Abwaan Abshir Nuur Bacadle oo weerar dhinaca afka ah ay ku qaadeen Kooxaha Muqaawamada, lana soo gaarsiiyay hanjabaadyo aad u kulul.

abshir-bacadlebmp1

Halkaan ka akhri

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ka mid ah Golaha Abwaanada Soomaaliyeey, isla markaasna si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho, ayaa weerar afka ah ku soo qaadeen Kooxaha  Muqaawamada, lana soo gaarsiiyay hanjabaadyo aad u kulul.

 

Abwaan Abshir Bacadle ayaa sheegay in aanay qaadaneyn hanajbaadaha iyo falalka kale loo geysanayo waxgaradka, culumaa’udiinka iyo odayaashaba, waxaana uu ku tilmaamay in qaar ka mid ah kooxaha muqaawamada ay la yimaadeen fal cusub oo aan diinta Islaamka wax raad ah ku laheyn.

Marna qaadaneyno, handadaad iyo nin la ordayo qori caaradii ayuu yiri Abwaan Bacadke, wuxuuna sheegay  in caqiidada uu leeyahay marnaba  uga leexaneynin, wuxuuna intaas uu raaciyey in  dhalinyarada indha cadeyska ka muuqda oo qoryaha la soo gala masaajidadahaddana inoo hanjabayaan, waxaas wax diin qabta ahan, mana soconeyso, xaaladuna sidan wey iska badali doontaa.

Abshir Bacadle ayaa  sheegay in qof walba oo codkeeda kor u qaada ama shacabka ka dhex muuqda ay caadeysteen kooxahaas inay shirqoolo ku dilaan, wuxuuna intaas ku daray in dad la dilayo, kuwa la shirqoolayo, kuwa la qarxinayo iyo kuwa madaafiicda lala dhacayo ay ku timid ka bari ahaansho ay kooxahan sheegaan inay ka bari yihiin dadka intooda kale, isagoo tibaaxay in waxa ay dadka isaga takooreen ay macnaheedu tahay isku diin ma nihin.

 

Sidoo kale Abwaan Bacadle ayaa wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay dagaaladii iyo madaafiicdii ka dhacday Magaalada Muqdisho, taasoo uu nasiib daro ku tilmaamay, waxaana uu carabka ku dhiftay in kooxihii ka dambeeyay aanay shalaay ku qabin, hase ahaatee ay faa’iido ku qabaan, iyagoo is dareensiiyay inaan lala xisaabtameyn oo aan Maxkamad la soo taageyn sida uu hadalka u dhigay.

 

Wuxuu kaloo Abwaan Abshir Bacadle uu  wax laga xumaado ku tilmaamay Baaqyada Culumaa’udiinka ka soo baxay oo aan ilaa iyo iminka loo hogaansamin, waxaana uu sheegay in dhamaan musaalaxada ay noqdeen kuwo lagu qanci waayay, isla markaana cid kasta ay eegatay danaheeda u gaarka ah.

 

Abwaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “War Culumaa’udiinka ayaa baaq soo saaray, waa loo hogaansami waayay, wiilal dhalinyaro ah oo shaqsiyaad gaar ah ay soo adeegsadeen ayaa si laab la kac ah inay masaajidada istaagaan ayay waxay leeyihiin Jihaadkii baa la diiday, qabyaalad baa laga dhigay, war waxaasi waxba ka beddeli maayaan, jihaadka waa la idin kaga fir fircoonaa, markaad dhuumanayseen oo aad garka iska xiirteen odayaashii is xilqaamay oo amxaaradiii hortagay oo yiri annaga ayaa dagaalka wadda oo dhulkeenii la qabsaday ayaad maanta bilowdeen inay handadaan”ayuu mar kale ku celiyay Abshir Bacadle oo intaa ku daray in qof walba uu maalintiisa uu dhimanayo, isla markaana aanay ka cabsaneyn hanjabaadaha.

 

Dhanka kale hadalka ka soo yeeray Abshir Bacadle ayaa ku soo aadaya xilli Masaajido ku yaal Suuqa Bakaaraha laga jeediyay muxaadaro hanjabaad loogu jeedinayo qaar ka mid ah Odayaasha, taasoo lagu sheegayo inay taageersan yihiin Dowladda isla markaana diidan yihiin jihaadka, waxaana taasi ay ka dambeysay kadib markii qaar ka mid ah waxgaradka Muqdisho ay ka soo horjeesteen in lagu dul dagaalamo shacabka.

JAWAABTA ABSHIR BACADLE

Abwaan Abshir Bacadle Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyay Handadka Lagu Hayo Dadka Wax Galka Ah iyo Aqoon-yahanka Muqdisho Kaasoo Ay Ka Dambeeyaan Dadkii Garka iska Xiiray Xiligii Ay Xabashida Wadanka Joogtay Waa Sida uu Yiriye!!

Dhageyso:-Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ah guddoomiyaha Gollaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga Hadlay hanjabaadyo si joogto ah loogu jeediyo wax garadka iyo Aqoonyahanka Magaalada Muqdisho.

Abshir Bacadle ayaa sheegay in ay soo bexeen kooxo Masaajida qoryo la gala kuwaas oo jeediya hanjabaadyo ka dhan ah inta Wax garata ee Muqdisho joogta kooxahan oo uu ku sheegay in ay aad ugu yartahay Aqoonta diinta ayna aaminsan yihiin in Dadka Muslimiinta ah ee maalin walba.

Somali Swiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: