Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Maanta socdaal kormeer ah ku tagay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

un2

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta ka degay Garoonka macbilka ah ee Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe oo ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya, hase yeeshee Wafdigaas markii ay soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar waxaa halkaas uga hortagay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha, kuwaasoo u soo galbiyay dhanka Magaalada.

Sida Warbaahinta ay sheegeen Wafdigan ayaa ka kooban dhowr xubnood, kuwaasoo la iigu sheegay inay yihiin Saraakiil ka socota Hey’adda Isku duwida howlaha gar gaarka Qaramada Midoobey oo la yiraahdo UNOCHA, ujeedada socdaalkooduna lagu sheegay inay soo kormeerayaan xaaladda Nabadgelyo iyo howlaha ka socda Gobolka Sh/Dhexe.

Saraakiisha ka socda UNOCHA ayaa haatan kulan kula leh Magaalada Jowhar Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, kuwaasoo kala hadlaya xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kulanka u socda Labada dhinac laga gaaray is faham horu dhac ah, kaas oo ku saabsan ammaanka iyo wada shaqeynta, waxaana sidoo kale la isla gartay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha abaaraha iyo biyo la’aanta ka jira Gobolka, gar gaar deg deg ahna lagu gaarsiiyo.

Socdaalka Saraakiishan  ka socota UNOCHA ayaa daba jooga wafdi kale oo shalay soo gaaray Magaalada, kuwaasoo ka kala socday laamaha Qaramada Midoobey sida UNICEF, UNDP, WFP.

Nin u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay inay damaanad qaadayaan ammaanka hey‘adaha samafalka, waxaana maanta Magaalada Jowhar ammaankeeda uu yahay mid aad loo adkeeyay.

Si kasta ha ahaatee Magaaladda Jowhar ayaa ah mid ka mida magaalooyinka ay xarumaha aan sal kicin wali ku lee yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl galaya gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: