Qarax xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

SOMALIA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Qarax xoogan  ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan  Wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado aad muhim u ah oo ay ku loolamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa shisheeye oo dhinac ah iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo heorjeeda Nidaam dowliga ah, qaraxaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida lagu soo warramay Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka hoostiisa lagu aasay, lagana hagayay meel fog fog ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday Ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda oo wadadaas ka waday howlo miino baaris ah.

Hase yeeshee dad goob joogayaal ah oo ka ag-dhawaa halka qaraxan uu ka dhacay ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in qaraxan uu ahaa mid gil-gilay wadadaas oo ay ku wada sugan yihiin Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladdaba.

Warku wuxuu intaas ku daray in Askari ka mid ah Ciidamadii baaritaanka waday uu ku dhintay qaraxaas, labo kale oo isla Ciidamadaas ahaana ay ku dhaawacmeen, iyadoo la soo sheegayo in ay jiraan dhaawac kale, kuwasoo ahaa dad rayid ah oo marayay wadada.

Hase ahaatee waxaa durbadiiba goobtaas isku gadaamay Ciidamada Milateriga, waxayna gebi ahaan xiray wadooyinka, waxaana markii dambe u soo gurmaday Ciidamada AMISOM oo ku sugan Guriga Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale ma jirin wax gaadiid ah oo wadadaas isticmaalayay, waxaa kaloo xirmay guud ahaan goobaha Ganacsiga ee wadadaas ku teegsanaa, waxayna gaadiidka iyo dadkuba ay isticmaalayay wadooyinka gudaha xaafadaha dhexmara.

Si kastaba ha ahaatee qaraxan saaka Barqadii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladdu sheegtay in aysan u dulqaadan doonin dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday Ciidamada Xooga dalka inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah waxa ay ugu yeereen cadawga gudaha iyo dadka uu soo adeegsaday shisheeyaha.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: