Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca oo mar 2aad uga baaqay Dowladda Soomaaliya in la dhaqan geliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

suniina2

Halkaan ka akhri

Waxaa  maalintii shalay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca  baaq u soo jeediyey Dowladda KMG, baaqaas oo ah kii 2aad oo ay Culumada Dhariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca, waxay Dowladda ka codsadeen in si degdeg ah loo dhaqan geliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

Goobta baaqan laga soo saaray ayaa ahaa Masjid ka mid ah Masajidada magaalada Muqdisho waxaana joogay goobtaas  Macallimiinta Dugsiyada kala duwan ee dalka iyo waalidiinta Caruurta Soomaaliyeed.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Culumaa’udiinka ay ugu baaqeen macallimiinta iyo waalidiinta Soomaaliyeed inay wadada toosan ku barbaariyaan caruurta, isla markaasina ay ku dadaalaan sidii dhinacyada akhlaaqda iyo barashada diinta Islaamka caruurta loogu hagi lahaa.

 

Dhanka kale Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay guud ahaan inay badiyaan Alle bariga si loo helo nimcada Alle, waxayna sidoo kale baaq u jeediyeen kooxaha dagaalada ka wada magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxayna culimada sheegeen inay Alle ka cabsadaan isla markaana joojiyaan dagaalada.

 

Ugu danbeyntii culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, waxay Dowladda KMG ah ugu baaqeen inay dalka ka hirgeliso ku dhaqanka Shareecada Islaamka, si ummadda Soomaaliyeed ay dhibaatada iyo khilaafka fara badan uga baxdo, isla markaasina guud ahaan dalka oo dhan ay uga dhalato nabad iyo kala dambeyn.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: