Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Abuu Mansoor oo si kulul u cambaareeyey heshiiska dowladda KMG ah ay la gashay dowladda Kenya.

Halkaan ka akhri

Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansoor Afheyeenka Ururka Al-Shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baydhabo maanta, ayaa waxaa uu ka hadlay uuna cambaareeyey heshiiskii dowladda KMG ay dhowaan la gashay dowladda Kenya.

Waxaa uu xusay wax aan la qaadan karin inuu yahay heshiiskaasi oo ku saabsan sohdinta dhanka badda uu dalka kala wadaago Kenya, isagoona ku eedeeyey dowladda KMG inay gadatay qeybo ka mid ah dalka.

Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa kaloo uu uga hadlay arrimo kale, isagoona ku celiyey inay la dagaalami doonaan ciidamda Amisom, maadaama buu yiri “lagu xad gudbay bayaankii ay dhowaan soo saartay hay’adda culimada”.

Abuu Mansuur ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay kooxaha burcad badeeda, kuwaasoo uu sheegay inay gacan ka helaan dowlado shisheeye, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay dowladda Mareykanka.

Marka laga hadlayo heshiiska ku saabsan xuduuda ay badda ka wadaagaan Somalia iyo Kenya, ayaa heshiiskaasi waxaa uu abuuray shaki badan, iyadoo dowladda KMG aysan si cad u faah faahinin ujeedka heshiiska.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: