Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo Saxiixay Qorshihii ugu horeeyay oo lagu boobayo Dhulbadeedka Soomaaliya.

kenya-somalia-agree

Halkaan ka akhri

kenya-somalia-agreemap-ka-soomaaliya1

Dowladda KMG Soomaaliya iyo Dawladda Kenya ayaa shalay heshiis ku saabsan Dhulbadeed ay ku kala saxiixday Magaalada Niarobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Heshiiskan oo labada Dowladood u kala saxiixay   Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya Moses Wetang’ula iyo Wasiirka Qoorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Abdirahman Abdishakur Warsame, hase yeeshee waxaa la sheegay in si rasmi ugu kala saxiixan doonaan xarunta Qaramada Midoobay 13ka May 2009ka.

Hase ahaatee waxaa muddadanba socday warar sheegayey arrinta ah in dhulbadeed ay soomaalidu leedahay ay rabto in si sahlan kula wareegto dowladda dalka Kenya, balse arrintaa ayaa la sheegay in Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku Xeeldheer Culuumta Baddaha iyo Xeerarka Caalamiga ah ee ka degsan ay qaylo dhaantan ugu soo gudbiyay Warbaahinta Caalamka ,waxayna ka digeen heshiiskan ay sharci darrada ku sifeeyeen ee ay DKMG ah ugu ansixisay Kenya Dhulbadeed Soomaaliyeed oo badkiisu dhan yahay 38,000km oo isku Wareeg ah sida ay Xeeldheerayaasha Soomaalida ah iyo kuwo aan Soomaali ahaynba Cadeeyeen.

 

Madaxweynaha Dalka Kenya Kibaki ayaa Sanaddii 2005-ta Q.M Hordhigay Khariidad ay si kali ah u samaysateen taas oo ay ku Boobayaan  Dhulbadeed ka tirsan Soomaaliya oo aad u baaxad weyn isla markaana khilaafsan Heshiisyadii Xuduudda Badda ee u Dhaxeeyay Dalalka Kenya iyo Soomaaliya iyo Walibana Shuruucda Caalamiga ah ee u yaalla Xuduudaha Badaha Caalamka.

 

Sida uu dhigayo Sharciga Q.M ee dhinaca Xuduudaha Badda, dalalka Dariska ah ee raba inay dib ugu noqdaan Astaan  Xuduudeedkooda Dhinaca Badda waxaa lagama maarmaan ah inay dhexdooda isku soo waafaqaan Astaynta cusub isla markaasna ay heshiiskaas si wada jir ah ugu soo gudbiyaan Hay’adda Q.M u qaabilsan Baddaha Caalamka taas oo Kenya ku Qasabtay inay hesho Saxiixa DKMG ah si ay u hesho mulkiyadda Dhulbadeedkan Baaxadda weyn ee Soomaaliya saxiixaas oo maanta Qalinka lagu duugay.

 

Sida ay Qeexeen Xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee ku taqaqusay Baddaha, Dhinaca Sharciga dawliga ah,dhinaca khayraadka iyo Xuduudaha waxaa Seerka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu Xagal toosan jihadda Koonfur Barri uga dareerayaa barkulanka labada Xuduudood kaas oo dhaca kala-barka Magaalooyinka Raaskaambooni oo Soomaaliya ah iyo Kiyunga oo Kenya ah.

 

Astaanta cusub ee Soomaaliya ku waayayso haddii ay dhaqan gasho dhulbadeedkan baaxadda weyn waxaa ay Waqooyi Bari Xagal 90 darajo ah u soo galayaa Xuduud badeedka Soomaaliya waxyna Caasimadda sadexaad ee Soomaaliya Magaalo xeebeedda Kismaayo u soo jirsanaysaa 200km dhinaca Badda, waxaana Soomaaliya ka go’ayya jasiirado farabadan oo hadda ka tirsan.

 

map-ka-soomaaliya

Enjineero Soomaliyeed oo ku taqaqusay Fannigan iyo Aqoonyahanno Caan ka ah Dalka Soomaaliya iyo Caalamkaba iyo Walibana Bahda Somalitalk oo arrintan ka diyaariyay warbixin qotodheer ayaa soo bandhigay khariidadda Heshiiskanu Xanbaarsan yahay oo khilaafsan Astooyinka Dawliga ah ee u dhaxeeya Xuduud Badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

 

samatarCabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonahayn Soomaaliyeed oo caan ah ayaa sheegay in Heshiiskan ay si rasmi ah u kala saxiixdeen Dawladda KMG ah iyo Kenya isla markaana loo gudbinayo Q.M si ay u meel mariso wuxuuna ka digay khatarta ay tilaabadaasi xanbaarsan tahay.

 

C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo asagu maanta Heshiiskan Gacantiisa DKMG ah ugu saxiixay ayaa sheegay in uusan wali dhicin heshiis balse ay Dawladda Kenya isla fahmeen Biyaha u dhaxeeya labada Dal wuxuuna gaashaanka u daruuray Aqoonyahaynnada Soomaaliyeed ee qaylo dhaantu ka soo yeertay asaga oo ku tilmaamay kuwo uusan aqoonsanayn wuxuuna Yiri “Horta Aqoon yahaynnada aad sheegayso magaranayo, heshiiskana u malayn mayo inay arkeen, anaga Cabinet ahaan waxaa arrintan la horgeeyay Golaha Wasiiradda, Ra’iisulwasaaraha, Madaxweynaha kulli arrintaas waa loo sharxay. Dabcan farsamo ahaan anagu wax aan aad u garanayno maahan, wasiirkii shaqada ku lahaa wuu keenay dadkii farsama yaqaanada ahaa oo Soomaali & Ajnabi isugu jira, waxaa jira khubaro Ajnabi ah oo sadex bari Xamar nala joogay oo waxaan sharxaysay, marka waa wax aad ay dawladdu uga dharagtay una fahantay”.

 

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada kulan sadex saacadood qaatay ay kala yesheen arrintan khubarada ajnabiga ah islamarkaana ay weydiiyeen su’aalo ku saabsan Mashruucan kuwaas oo ka dhadhiciyay Qorshahan cusub ee Xaduudda badda isla markaana ay sidaa ku aqbaleen.

 

cabdiraxmaan-cabdishakuuuSidoo kale C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Sheegay in ay heshiis noocan oo kale ah la galayaan dawladda Yaman iyo dhamaan Dawladaha ay dhinaca Badda Xuduud  Soomaali kala leedahay sida buu yiri ay kula taliyeen khuburada Ajnabiga ah ee Mashruucan u sharaxay.

 

Khuburada Ajnabiga ah ee uu sheegay C/raxmaan C/shakuur ayuusan carrabaabin dalalka ay ka soo jeedaan iyo hay’adda ay matalayaan balse waxay dadka qaar ku tilmaameen khuburo u dhalatay dalka Kenya iyo kuwo kasocda Hay’adda Q.M u qaabilsan Badaha Caalamiga ah oo arrintan kawada shaqaynayay.

 

 

Dhinaca kale Muuse Nuur  Amiin oo ah Xubin ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah horayna u ahaan jiray Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sharaxay arrintan cusub maadaama uu khibrad u leeyahay Badaha Soomaaliya oo uu sideetameeyadii ka ahaan jiray Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaka wuxuuna cadeeyay in aysan DKMG ah sharci u lahayn tilaabadan taabanaysa Dhulka Soomaaliya isla markaana uusanba ogayn muranka xuduudda ee ay Kenya qabto.

 

muusse-nuur-aminMuuse Nuur ayaa sheegay in Haddii ay dhacdo arrin ku saabsan Xuduudaha badda ay xilligii dawladdii hore ee Soomaaliya ka wada shaqayn jireen Wasaaradaha Gaadiidka Badda & Dekedaha, khayraadka Badda & kaluumaysiga, iyo Gaashaandhigga wuxuuna tilaabadan ku tilmaamay mid aad loogu degdegay.

 

Sida ay xaqiijiyeen Xeeldheerayaasha Soomaalida ah iyo kuwa Ajnabiga ahba Dawladda Kenya ayaa Mashruucan ay ku boobayso Xuduud Badeeda Soomaaliya waxaa ku qasbay Shidaal ay doonayso inay ka qodato eeriyo Shidaal ceegaago oo ka mid ah Xuduudda Badda Soomaaliya taas oo sharci ay ku qaadato u baadi goobayso.

 

Khubarada Qaar ayaa arrintan waxay ku fasireen in ay cadayn u tahay boob in muddo ah ku socda Badda Soomaaliya iyo khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaagga waxayna xiriir u samaynayaan Maraakiibta Dagaal ee xad-dhaafka ah ee hoganaya Badaha Soomaaliya ayaga oo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka Burcad Badeedda taa oo lafteeda ay ku tilmaamayaan dheel ay sameeyeen Reergalbeedku gaar ahaan Maraykanka.

 

sheekh_shariif2DKMG ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa ku jirta bilawgii cumrigeeda waxayna hawlaheeda ka bilawday heshiisyo taabanaya Xuduudaha Badda iyo Barriga ee Soomaaliya xilli looga fadhiyay inay kaalin muuqata ka ciyaarto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatiiyinka Haysta Shacabka ee isugu jira Amni xumida, Abaaraha , Cudurrada, iyo dhibaatooyinka ay dalka iyo dalka Soomaaliyeed ku hayaan quwadaha Ajnabiga ah ee ay ka mid tahay in la ilaaliyo Xuduudaha Dalka Bad iyo Barriba taas oo keenaysa in dadku ay candhuuftooda dib u liqaan, DKMG ahna ku sifaynaysa Oraahda “Maba dhalane Dhawrtaysan okaa!!!”. 

 

Isha wararka BBC & SomaliTalk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: