RW. Cumar C/rashiid oo si kulul u beeniyay in dowladda Soomaaliya ay ka iibisay dowlada Kenya qayb ka mid ah badda Soomaaliya.

cumar-2

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha DKMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul u beeniyay wararka ku saabsan in Dowladda Soomaaliya ay ka iibsaday Kenya qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, kadib markii shalay Dowladda Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiis dhinaca xadeynta ah.

Shir jaraa’id uu Ra’iisul Wasaaraha  ku qabtay Hoygiisa ayaa ku sheegay war been abuur ah oo aan sal laheyn qaabka loo dhigay oo loo sharaxay heshiiska ay Dowladda KMG la gashay dowladda Kenya, isagoona carabka ku dhuftay in arrintu aysan aheyn sida ay u qoreen warbaahinta qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Warkaas waxba kama jiraan, mana ogolaaneyno in aan bixinno taako ka mid ah Baddeena, waa jirtaa in Kenya iyo Annaga Soomaaliya uu noo dhaxeeyo muran dhinaca Xadeynta Badda ah, taasina waxaan la tegi doonnaa maxkamadaha caalamka”, Wuxuuna intaas raaciyey  in aanay bixin doonin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd Badda iyo Barrigaba.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha DKMG Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu jiro heshiis ay wada gaareen labada Dowladood, heshiiskaas ku saabsanaa dhowrista Xad-Badeedka u dhaxeeya labada dowladood.

 

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in la sameeyay guddi ka shaqeeya muran uu tilmaamay inuu ka taagan yahay xuduuda dhanka badda oo Soomaaliya kala wadaagto dalka Kenya,  kaasoo soo calaamadeynaya xuduuda baddeed ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Hase  ahaatee hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo shalay, xalay iyo maanta ay dadka Muqdisho ku dhaqan si weyn u hadal hayeen war ay sii daayeen qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka, kaasi oo ahaa in Dowladda Soomaaliya ay kula heshiisay Dowladda Kenya in ay Baddeeda ku darsato qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

 

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: