Mas’uul ka tirsan Warbaahinta Somaliswiss oo Booqasho ku tagay Xerooyinka ay degen yihiin Qaxooti Cusub oo Soomaali ah.

qaxooti-cusub1

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

qaxooti-cusubqaxooti-cusub2Waxaa Sanooyinkan danbe ku soo badanaya Dalkan Switzerland, dadka Soogalootiga Qaxooti doonka ah, hase ahaatee waxaa intooda badan ay yihiin dhalinyaro  Naftooda kala  soo cararay dagaalada iyo nolol xumida ka jirta Wadamadooda.

 

Dadka soo gelay dalkan Swiss-ka ayaa la sheegay inay badinkooda ka kala yimaadeen Wadamada Soomaaliya, Eritrea, Kongo iyo wadamada la isku yiraahda Maqrib, kuwaas oo u  soo  haajiray dalalka Reer Yurub.

 

Sidoo kale dadkan ayaa naftooda ku soo biimeeyey Badda iyo Beriga, soona maray dhulka Lama degaanka ah ilaa ay ka yimaadaan dalka Liibiya, ka dibna ka soo raacaa Laashashka iyo Dooman aan la hubin halista kaga imaan karto Safarkooda.

 

qaxooti-cusub4Sida ay sheegeen Hay’adaha Caalamiga ee Badaha in muhaajiriinta ka yimaada Qaarada Afrika  40% ay nabad ku tagaan Jasiiradaha Taliyaaniga iyo Malta, balse 30% ay soo gaaraan iygoo naf la Caariq ah oo u dhexeeya Nolol iyo Geeri, sidoo kale 30% ay noqdaan wx ku nafwaayo oo meydkooda laga helo iyagoo sabeenayo Bada Midetereniyaanka, in kalena ay Baddu laqdo oo lawaayo meel ay Jaan iyo Cirib dhigeen.

 

Dhanka kale dadka soo gala Dalka Swiiska waxay la kulaan dhibaatooyin ku saabsan in Farahooda oo laga helo Xafiiska keydka faraha laga soo qaaday dadka qaxooti doonka ah ee saldhiggiisu yahay Xarunta Midowga Yurub ee Braxeles.

 

Sidoo kale xafiiskan ayaa waxaa howshiisa tahay uruurinta warbixinnada iyo faraqaadista dadka Soo-gelootiga ah, kadibna wuxuu ka jawaabaa codsiyada wadamada ku jira Heshiiska Sharciga Schengen.

 

Si kasta ha ahaatee dadka Soomaalida ah ee yimaado Wadanka Swisska ayaa la sheegay in badinkooda ay ugu soo horeeyey dad ay qaraaba yihiin, kuwaas oo ku soo booqda xerooyinka iyo Goobaha ay degan yihiin.

 qaxooti-cusub3

Haddaba Shabakada SomaliSwiss iyo SomaliSwiss Radio Zürich waxay booqasho ku tageen Xerooyinka iyo goobaha ay degen yihiin  Soomalida Qaxootiga Cusub ah, booqashadan ayaa waxay la xiriirtaa sidii Soomaalida Cusub loogu wargelin lahaa in dalkan ay yimaadeen uu ka jiro nolol ahaan dhinaca Arimaha Bulshada sida: Caafiaamdka ,Waxbarsahada Iwm.

 

Meelaha ay soo booqdeen Bahda Warbaahinta Soomaalida Switzerland, waxaa ka mid ahaa Degmada Volketswil oo Soomali badan deggan waxayna kala soo hadleen arrimo la xiriira Nidaamka Qaxootida iyo Caafimaadka gaar ahaan ka hortaga Cudurka Dilaaga ee AIDS iyo Qaaxada, kuwaas oo la sheegay inay ku badan yihiin meelaha wadarta loogu nool yahay Sida: Xerooyin Qaxootida iyo Xabsiyada.

 

Waxaa Soo Diyaariyey Bahda Warbaahinta Swiss-ka

Mustaf  Bashiir Gobdon

Dr.Axmed Dhicisow Daa’uud

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: