Kulankii 21aad ee Madaxda Jaamacadda Carab la soo gabagabeeyey iyo Madaxweyne Shariif oo Kulan la leh Jaaliyadda Soomaalida dalka Qadar.

MIDEAST QATAR ARAB SUMMIT

Halkaan ka akhri

MIDEAST QATAR ARAB SUMMITwaxaa la soo gaba gabeeyay Shir Madaxeedkii Wadamada ku Midaysan Ururka jaamcadda  Carabta  oo shalay Shir uga  furmay Magaalada Dooxa Caasimadda Wadanka Qadar, kaaso ka soo baxa Go’aamo waxtar u leh qaar ka mid ah wadamada arrimahooda xallinta u baahan gaar ahaan Wadamada Soomaaliya , Suudaan iyo Falastiin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo Shirka Carabta ka qayb galay ayaa lagu wadaa in Maanta uu kulamo Muhiim ah la qaato Ganacsatada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Qadar.

Wakiilka Shabakada SomaliSwiss uga soo warrama Magaalada Dooxa ee dalka  ayaa inoo sheegay in Soomaalida ku nool  dalka Qadar ay wadaan qaban qaaba xoogan  sidii ay Madaxweyne Shariif u ka kulmi lahaayeen waxaa la filayaa  in galabta bacdal Casar uu dhici doono kulankaas, wuxuuna Sheikh Shariif uga Warbixin doonaa xaaladda Soomaaliya.

MIDEAST QATAR ARAB SUMMIT

Sidoo kale Shirka Jaamacadda Carabta ee soo dhamaaday ayay Dowladaha Carabtu Taageero Macnawi ah ugu balan qaadeen Dowladda Federaalka Somalia waloow taageerada Carabta ay hanteen Wadamada Filasdiin iyo Juzurul-qamara ama Komoros.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta  Camar Muuse ayaa sheegay in Dowladaha Carabtu ay Taageera dhan walba ah sii doonaan shacabka iyo Dowladda Cusub ee Soomaaliya, balse arrintan sidida ay u dhaqan geli lahayd waxay ku xirantaha sida ay isu xilqaamaan  ama ugu dhabeeyaan ballanqaadka ay uga dhawaaqeen Kulanka maanta la soo gabagabeeyey ee ay lahaaayeen Wadammada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta.

SomaliSwiss    Doha

SomalSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: