Madaxda Jaamacadda Carabta oo go’aan ku gaaray in la taageero Shacabka iyo Dowladda cusub ee Soomaaliya.

APTOPIX MIDEAST QATAR ARAB SUMMIT

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

yemens-president-ali-abdullah-salehShir Madaxeedka  Kalfadhiga 21-aad ee Madaxda wadamada Jaamacada Carabta ee Shalay ka furmay xarunta Qadar ee Dooxa ayaa waxaa laga soo saaray Bayaankii ugu danbeeyey, kaasoo lagu xusay arrimaha Soomaaliya isla markaana lagu soo dhaweeyay Heshiiskii ay Dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga Garabka Djibouti ku gaareen Dalka Djibouti.

 

Bayaanka Kulanka ayaa wuxuu u qornaa sidatan:“Ururka Jaamacadda Carabka ee Heerkiisu yahay Heer Madaxweyne, ka dib markii uu arkay Qoraalka Xoghayaha Guud ee Q.M iyo warbixintiisii ahayd in si wada jir ah ay wadama carabta isaga kaashadaan Soomaaliya, iyo waliba Warbixinadiisii hore ee adkaynayay arintaasi, waxaan la go’aamiyay in la soo dhaweeyo Talaabooyinka Q.M ay qaaday ee Heshiiskii Dib u Heshiisiinta Djibouti ee la saxiixay 18/08/2008 uguna Muhiimsanaa Dhisida Xukuumad KMG ah iyo Baarlamaan Soomaaliyeed KMG ah iyo u Doorashadii Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

MIDEAST QATAR ARAB SUMMITWadammada Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa loogu Baaqey in ay u fidiyaan Soomaaliya nooc walba oo kaalmo ah oo isugu jira mid Maaliyadeed, iyo Loojiistiko deg deg ah oo la siiyo Dowladda Cusub ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda KMG ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da laanteeda af-Soomaaliga in Dowlada Yemen ay soo jeedisay in Dowladda KMG ah Bil waliba la siiyo Hal Milyan oo Dolarka Maraykanka ah, taasoo uu ku tilmaamay Bilow wanaagsan.

 

shirka-doxa8

SomaliSwiss    Doha

SomalSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: