Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom oo weerar lagula beegsaday guriga Shaqaalaha ee mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Weerar ayaa lagu qaaday xalay guriga Shaqaalaha ee ku yaala wadada Makka Al-mukarrama, halkaasoo ay degan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada ka qeyb qaadanaya howl galka Amisom kana socda Midowga Afrika.

Askar ka tirsan dowladda KMG ah ayaa saakay halkaasi soo gaaray iyadoo ay Xaaladda wadada degan tahay, waxaana askartaasi iyo kuwa Amisom ay sameeyeen howlgal la xiriira weerarkii xalay.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ayaa dareen cabsi ah ka muujiyey rasaastii xalay oo laga maqlayey agagaarka wadada Makka Al-Mukarrama xilliga weerarka uu dhacayey.

Illaa iyo hadda ma cada qasaaraha soo gaaray ciidamada Amisom weerarkan lagu soo qaaday ee Amisom, kaas oo qeyb ka noqonayo weeraro dhowaanahamba lagu qaadayay.

Weerarkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa saacado kadib markii hareeraha wadadaasi lagu dilay Siyaasigii C/raxmaan Shifti oo ahaa Afhayeenkii shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: