Ciidamada Maamulka MMI ee Magalada Balad-weyne oo Howlgalo ay sameeyeen ku soo qabqabtay 14 Qof dembiilayaal ah.

Baladweyn

Halkaan ka akhri

Ciidamada Maamulka MMI ee Magalada Balad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramay inay Howlgalo ay sameeyeen xalay ku soo qab qabteen dad tiradoodu lagu sheegay Ku dhawaad ilaa 14 Qof.

Dadkan ayaa dhamaantood laga soo qab qabtay gudaha Magaalada Baladeyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana lagu soo eedeeyey in ay isticmaalayeen Muqaadaraaka Maandooriyaha ah, isla markaana ay Falal Burcadnimo habeenkii ka geystaan Gudaha Magaalada Balad-weyn iyo nawaaxigeedaba. 

Hase ahaatee dadkan ayaa loo taxaabay Xasbisga Dhexe ee magaalada Balad-weyne, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamda MMI ee Magaalada Balad-Weyne . 

Howlgalkan oo lagu soo qabqabtay dadka lagu eedeeyey in ay isticmaalayeen Daroogooyinka Maanka Dooriye ah ayaa yimid kadib markii ay Dadka Deegaanka ka soo yeertay cabashooyin dhowr ah oo ay kaga dacwoonayaan Burcad hubeysan oo falal amaan dadro si dhuumaaleysi ah uga geysata xiliga habeenkii gudaha iyo agagaaraha Magaalada Balad-Weyne.

SomaliSwiss    Baladweyne

SomalSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: