Halkaan ka akhri
Ururka Midowga Africa ayaa lacag gaareeysa 1-milyon oo dolar ugu deeqay dowlada kmg Soomaaliya taasi oo loogu talagalay dhismaha ciidamo qaran oo ay yeelato dowlada Soomaaliya.
Nicholas Bwakira oo ah Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Sharmaa’arke iyo qaar ka tiran golaha wasiirada horayna uu ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in lacag gareeya 1-milyon doolar ay ugu deeqeen dowalada kmg si ay u dhisto ciidamo qaran oo soo celiya ammaanka iyo kala danbeeyntii dalka.
Sidoo kale Ergayga ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda in shir lagu qaban doono 22-aprile magaalada Brussels dhaqaale loogu aruurin doono Soomaaliya si looga kaalmeeyo arimaha ciidamada iyo nabadeeynta.
Nicholas Bwakira oo ka hadlayey wada hadalladoo uu la qaatay Madaxda Sare wuxuu yiri: “Labadii maalin ee u danbeeysay waxaan kulamo la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana aan soo gaarsiinay hal Milyan oo doolar Mareykanka ah si dowlada ay ciidamo ugu dhisato”.
Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha dowlada KMG ah Cumar C/rashiid Sharmaa’arke ayaa sheegay in lacagtaasi la soo gaarsiiyay ay ciidamo awood leh ku dhisayaan si ay u fududaato waqtiga ciidamada AMISOM ay joogi lahaayeen Soomaaliya.
Deeqda lacagtan oo loogu tala galay in dowlada KMG ah ay ku dhisato ciidamo Tayo leh oo gacanta ku qaban karto Ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa shalay shirka Wasiiradda Arrimaha dibadda ee ka dhacay Caasimada Dalka Qadat ee Doxa ayaa dood kulul ka yeesheen arimaha Soomaaliya iyo qaabka ugu fudud ee dhaqaale loogu deeqi karo.
Isha Warka Wakaaladda Wararka Qadar
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.