Siyaasiga weyn ee Cabdiraxmaan Shifti oo ku geeriyooday is rasaseyn dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah.

gudiga-dib-u-heshiisiinta

Halkaan ka akhri

Cabdiraxmaan Shifti oo ahaa Sarkaal Sare oo si weyn looga Yaqaanay dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday Dagaal Mar dhoweyd ka Qarxay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Shifti ayaa Geeriyooday kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ah oo kala taabacsan Maxkamadaha iyo Cabdi qeeybdiid Taliyaha Booliiska, kuwaasi oo dhowaanahanba uu ka dhexeeyey loolan xaga awooda ah.

Cabdiraxmaan Shifti ayaa Gaari uu saarnaa Ay haleeshay RAsaas Ay fureen Dhinacyadii ku dagaAlamay Wadamada Maka Al-Mukarama, kadibna Gaarigiisii ayaa Wadada ka baxay wuxuuna dhex galay Baale (Baalaha korontada)  weyn oo shub ah, taasoo keentay inuu Gaarigii oo idil bur buro sida eey noo Xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Cabdiraxmaan Shifti wuxuu kamid ahaa Gudigii Qaban qaabiyey Shirkii Dib u heshiisiinta loogu magac daray oo uu hogaaminayey Cali Mahdi Maxamed ee Dowladdii C/llaahi Yuusuf lagu Qabtay Xaruntii Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho, ee iminka laga guriga Baarlamaanka dowladda KMG ee uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif Sh. Axmed.

Wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan Ciidamada isaga hor yimid Wadada Maka Al-Mukarama ay kala Taabacsan yihiin Jen. Cabdi Qeybdiid  iyo Xoogaga Maxkamadaha islaamiga gaar ahaan Qeeybta dowlada ka mid noqotay ee Garabka Wasiirka Arimaha Gudaha Sheikh C/Qaadir Cali Cumar iyo Cumar Xaashi Aadan.

Dhowaanahanba waxaa jiray Murano u dhexeeyey Saraakiishan oo ku saleeysan Awooda iyo Gacan ku heeynta Degmooyin kamid ah Magaalada Muqdisho  iyo weliba isku darka Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwii dowladii hore.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne Sheikh Shariif uu amar ku bixiyey in Ciidamada Maxkamadaha Qeybo kamid ah dhul ay dhowaan isku balaariyeen ay dib uga soobaxaan taas oo lagu Qancinayey dhanka Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Ciidamadiisa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: