Madaxweynaha Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheikh Shariif oo galabta Khubad ka jeediyey Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

Daawo Sawirada kale

Halkaan ka akhri

shirka-doxa51shirka-doxa3

Madaxweynaha Midnimada Qaran ee KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa wuxuu galabta Khubad uu ka jeediyey Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ee ka furmay Magaalada Dooxa ee Xarunta Dalka Qadar, wuxuuna ka hadalay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahayeen Dhismaha DKM , Burcad Badeeda, Xaalada Reer Falastii iyo Arrinta Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

 

 shirka-doxa7Ugu horreyntii Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya loo dhisay Dowlad Midnimo Qaran.  isla markaana ay ku howlan yihiin sidii ay u xasilin lahaayeen dalka oo ay ugu soo celin lahaayeen Amni iyo kala danbeyn.

 

Madaxweynuhu ayaa wuxuu ka codsaday Madaxda Dowladaha Carabta ee kulanka ka soo qeyb galay iyo kuwa ka maqanba in ay DKMG siiyaan Taageero Maaliyadeed iyo mid Siyaasadeedba, hase yeeshee wuxuu madaxda u sheegay  inuu ku faafaahin doono kulamada Albaabada u Xiran yihiin ee soo socda, kaalmooyinka ay Dowladda KMG u baahan tahay.

 shirka-doxa2

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin kana soo horjeedaan isla markaana ay Canbaareynayaan Howlaha Burcad Badeedu ka wadaan Xeebaha Soomaaliya waxa uuna Dowladaha Carabta iyo kuwa kalaba uu ka raali galiyey Xad-gudubka ay Burcad Badeedu ku heyso Maraakiibta Caalamka ee soo marta badweynta India, wuxuuna intaa ku daray in Dowladda KMG ah ay arintaa aad uga Xun tahay oo ay ka soo horjeedo Howlaha Burcad Badeeda, balse Madaxweynuhu uu codsadey Madaxda Carabta in Dowlada Soomaaliya lagu garab isgaato sidii ay wax uga qaban laheyd.

 

shirka-doxaDhanka kale Sh. Shariif wuxuu sheegay in ay Muhiim tahay iskuduubnida iyo iskaashiga Dadka Reer Falastiin waxana Madaxda Carabta ugu baaqay in ay Garab istaagaan isla markaana wax laqabtaan Dadka Dhibaateysan ee Reer Falastiin.

 

Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeestay Warqadii ka soo baxday waxa loogu yeero Maxkamada Dambiyada dagaalka ee lagu dalbanayey in la soo xiro Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, balse Madaxda Carabta ee kulanka ka qeyb galeysa wuxuu ugu baaqay in ay Go’aan Mideysan ka qaataan Arrinta Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

sh-shariif-doha

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyey Dowlada Qadar ee kulanka Martigalineyso iyo waliba Amiirka Dalka Qadar Xaamid Bin Khaliifa oo kulanka Shir-guddoominayey, Sidoo kale Sh.Shariif ayaa u mahad celiyey Q.M iyo Xoghayeheeda Guud Ban Ki-Moon oo Shirka ka qeyb galay.

 

SomaliSwiss    Doxa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: