Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo xalay la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon.

ban-ki-moon-sh-sharif

Halkaan ka akhri

War ay qortay Wakaaladda wararka ee dalka Qadar ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka qeyb galaya Kulanka Madaxda Carbeed ee maanta ka furmay Magaalada Doxa ee dalka Qadar ay xalay la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira  xaalada dalka Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Midnimada qaran, oo uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/llaahi Oomaar.

Waa markii ugu horeysay ee uu Sheikh Shariif sh. Axmed, si toos ah u arko Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr Ban Ki-Moon, wuxuuna u gudbiyay sida Dowladdiisa ugu baahan tahay caawimaad dheeraad ah oo ay ka mid yihiin dhinaca ammaanka iyo taageero maaliyadeed.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/llaahi Oomaar in kulankaas uu is faham ku dhamaaday, isla markaana ay kala warbixin qaateen Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon oo lagu casuumay shirka Madaxda Carbeed.

Sidoo kale  lama oga goorta uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadli  doono shirka 21aad ee Madaxweynayaasha Jaamacada Carabta, balse waxaa loo maleeyaa in Berri uu khudbad ka jeedin doono, isagoo si faahfaasan uga hadli doono arrinta Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in halkaas Dowladda cusub loogu balan qaado taageero dhaqaale si ay ugu dhisto Ciidamo qaran iyo dib u dhis.

Isha Warka Wakaaladda Wararka Qadar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: