Kulanka Wadamada Carabta oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Qatar.

amar-mussa2

Halkaan ka akhri

Wadamada ku jira Jaamacadda Carabta ayaa waxaa maanta uga furmaya caasimadda dalka Qadar  Kulankii 21-aad, waxaana kulankaas lagu soo qaadi doonaa arimo ay ugu muhiimsan tahay qoraalka ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada Dagaalka taas oo mar sii horeysay ka dhawaajisay in la soo xidho Madaxweynaha Dalka Sudan CumarXasan Al- bashiir.

Waxaa ilaa shalay ku qulqulayey magaalada Dooxa Wufuud kala duwan oo ka kala socota Wadamada Carabta, sidoo kale  ila wararka ayaa sheegaya in wufuuda ka tirsan Jaamacada Carabta oo  soo gaaray Doxa uu ku jiray Cumar Xasan Al- bashiir.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in lagu wado in uu kulanka Wadamada Carbeed uu ka soo qeyb gali doono Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mun.

Sida Mas’uul Sare oo ka mid maamulka Jaamacadda Carab ayaa waxaa laga soo Xigtay  in dhamaan Wadamada Carabtu ay dib u eegid ku sameyn doonaan aragtidooda ku aadan go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada Dagaalka.

Sidoo kale Wadamada Urdun, Jabuuti iyo Jasiirada Qamar “Comoros”ayaa lagu wadaa in a go’aan ka duwan qaataan ka wadamada Carabta ayna jabiyaan heshiiskii Roma , ila wareedkaasi se ma aysan carabaabin in go’aankoodu yahay in ay gabi ahaanba ay 3-daa Wadani ka bixi doonaan heshiiskii Roma.

Dhanka kale Waxyaabaha looga hadlo doono kulanka ayaa waxaa ka mid ah aragtida maamulka cusub ee Markaykanka taas oo noqoneysa iskaashi iyo kala faa’iisaysi. ,waxaana sidoo kale lagu wadaa in aragti laga qaato sida Wadamada Carabtu ay ula dhaqmi doonaan Maamulka cusub ee Yuhuuda ee uu madaxda ka yahay Binyamin Netanyahu loona sii amba qaadi lahaa wada hadaladii dhanka nabad raadinta.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in laga wada hadlo kaalinta Iran ee Gobolka , heshiisiinta garabyada kala duwan ee Falastiiniyiinta loona xalin lahaa khilaafaadkooda kadib markii ay bur bureen wada hadaladii uga socday Dalka Masar caasimadiisa Qahira.

Warar ayaa sheegay in Madaxweynaha Falastiin Abu Mazin ayaa wuxuu warqad qoraalka ah u gudbiyay kulanka Doxa ayaa codsaday in si deg deg ah loo furaa Marinada xidhan lana dhisaa wixi ay Yuhuudu bur burisay wuxuuna Maxamuud Cabaas codsaday in aan arintan aan lagu xidhin arimaha kale.

Sidoo kale Isamciil Haniya ayaa wadamada Carabta ka socday in loo baahan yahay in la sameeyo qorsho wax ku ool ah oo dib loogu dhisayo Marinka Qassa.

Si kasta ha ahaatee wara aan la hubin ayaa sheegaya in kulanka uu maqnaan doonto Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak balse Dowlada Masar ma aysan carabaabin sababta uu uga maqnaanayo kulanka Wadamad Carbeed.

Mufiid Shihab oo ah ergay ay Dowlada Masar u soo dirtsatay Kulanka ayaa sheegey in maqanaanshaha madaxda dowlada ay ka maqna yihiin kulanka aysan ahayn in ay diidan yihiin lakin ay tahay aragtidooda dowlad kastana ay doorato cida u matalaysa kulanka Doxa.

Isha Warka Wakaaladda Wararka Qadar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: