Halkaan ka akhri
Hogaamiye Mucaaradka Soomaaliya Sheikh Xasan Dahir Aweys oo fadhigiisa yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa la sheegay in casuumaad rasmi ah u fidiyay Amiirka dalka Qadar, hase yeeshee Casuumaada Sheikh Xasan Dahir ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif uu gaaray Magaalada Doxa, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir Madaxeedka Wadamada Carbeed ee maanta ka furmay magaalada Doxa.
Sida lagu soo warramay Dowladda Qadar ayaa dooneyso inay dhex dhexaadiso Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Hogaamiyaha Islaamiga Sheikh Xasan Dahir oo lagu sheegay inuu lahaa Aas‘aasida Islaamiyiinta Soomaaliya.
Balse waxaa lagu timaamaa Wadaad mayalka adag, hase yeeshee ma uusan shaacin inuu aqbalay casuumadaas iyo in kale, ayaa hadana waxaa jira wada hadalo hoose oo ay la leeyihiin Hogaamiyeyaal carbeed sida Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhowaan booqday Magaalada Asmara, isla markaana la sheegay inay is arkeen Sheikh Xasan Dahir.
Sidoo kale Amiirka Dowladda Qadar ayaa sheegay inay wadaan gogol nabadeed oo ay u dhigayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhinacyada ka soo horjeeda, iyadoo dhowaan Dowladda Qadar wafdi u soo dirtay Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ahaa Gudiga Culimada Islaamka.
Si kasta ha ahaatee Dawladaha Qadar, Liibiya iyo Sudan ayaa waxay u ballan qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed inay dhex dhexaadin doonaan Dowladiisa iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana laga war sugayaa hadba sida uu Sheikh Xasan Daahir Aweys uga jawaabo casuumaddaasi uu u fidiyay Amiirka dalka Qadar.
SomaliSwiss Qadar
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.