Halkaan ka akhr
Maamulada Islaamiga Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa bilaabay dadaalo iyo qorsheyaal la xiriira ka hortaga dhibaatooyinka iyo xad-gudubyada loo geysto shaqaalaha u shaqeeya laamaha hey’adaha samafalka ee ka howl gala deegaanada goboladaasi.
Qorsheyaashan ayaa waxay yimaadeen ka dib markii dhowaan fal afduub ah lagula kacay illaa shan sarkaal oo ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo WFP ee Soomaaliya gudaha degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa kasoo yeeraya hadalo kulul oo ku aadan falalkaasi xad gudubka ah.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Abuu Mansoor ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta waxaa uu si kulul u cambaareeyey afduubka loo geystay shaqaalahaasi, isagoona baaq u jeediyey bulshada ku dhaqan Bay iyo Bakool in ay la garab istaagaan maamulkooda Arrimaha Ammaanka ee labada Gobol.
Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo ay mas’uuliyiinta maamulka hada ka taliya gobolada Bay iyo Bakool cambaareeyaan xadgudubyada loo geysto shaqaale ka tirsan hey’adaha Samafalka.
SomaliSwiss Baydhabo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.