Sheikh Yuusuf Al-qardaawi oo la kulmay Safiirka Eritrea ee Dalka Qadar.

sheikh-qaradawi

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Muslimiinta Caalamka Sheikh Yuusuf Al-qardaawi ayaa Gurigiisa ku qaabiley Safiirka Dalka Eritrea u fadhiga Dalka Qadar oo lagu magacaabo Cali Ibraahim Axmed.

Safiirka ayaa Sheikha u gudbiyay fariin uu uga sidey Wasiirka Warfaafinta ee Dalka Eritrea Cali Cabdo Axmed, taas oo aan la ogeyn waxa ay xambaarsaneyd.

Sidoo kalee Fariin gubdinta ka dib Sheikha iyo Safiirku waxay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Xaaladihii ugu danbeeyay ee ku soo kordhey Siyaadda.iyo sidoo kale Mandiqada oo dhan.

Sheikh Yuusuf ayaa Dowlada Eritrea ka dalbadey isaga oo Safiirkooda u sii maraniya, in Soomaaliya fursad la siiyo sidii Dowladnimadoodii iyo dib u dhiska Dalkooda uga shaqeyn lahaayeen.

Balse waxaa  xusid mudan in Sheikh Yuusuf Al-qardaawi baryihii ugu danbeeyayba uu dadaal ugu jirey sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya Soomaaliya oo ay ku jiraan DKMG ah ee Sh Shariif hogaaminayo iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wixii dhex yaalana wada hadal loogu dhameyn lahaa.

Si kasta ha ahaatee waxaa kulankan la oran karaa inuu qeyb ka yahey kulamada dhex dhexaadin ah oo Hay’ada Culimada Muslimiintu horey u sheegay inay la qaadaneyso dhinacyada kale duwan ee arinta Soomaaliya saameynta ku leh, waxaanse la ogeyn in labada dhinac ay ka wada hadleen arrinta la xiriirta Sh. Xasan Daahir oo imminka ku sugan Dalka Eritrea.

Wakaladda Wararka  Qadar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: