Halkaan ka akhri
Waxaa xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho Sarkaal u shaqeyn jiray Hey’adaha samafalka, iyadoo uu ka howlgali jiray Hey’ad ganacsi oo lagu magacaabo ISWIFT oo iyadu gacan saar la leh Hey’adda WFP.
Koox ku hubeysan Baastoolado ayaa ku toogtay Sarkaalkan gudaha xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid fiidnimadii xalay.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen Maalin ayaa u geeriyooday dhaawac aad u halis ah oo kasoo gaaray kooxdii kadambeysay weerarkiisa.
Â
Dilka Sarkaalkan ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen  kooxo ku hubaysnaa Baastoolado, waxaana la sheegayaa in ninkaasi intii aan la dilin marka hore laga soo wacay taleefankiisa, kadib markii uu taleefanka qabtay oo la hubsaday in uu yahay isaga laba Xabadood Madaxa looga dhuftay.
Â
Axmad Xuseen Maalin ayaa waxaa dilay laba wiil oo aad u yar, oo watay Baastoolado, waxaana la cadeeyay in Marxuumkaasi intii aan la dilin ka hor ay shalay oo idil daba socdeen Marxuumka, islmarkaana ay ragaasi mar marayeen gurigiisa iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Â
Dilalka Saraakiisha iyo Shaqaalaha Hey’adaha samafalka ayaa waayadan ku soo badanaya dalka Soomaaliya, mana muuqata illaa iyo hadda cid wax ka qabanaysa ama ka hortageysa dilalkaasi lagu ugaarsanayo Shaqaalaha Hey’adaha Samafalka.
SomaliSwiss Muqdisho
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.