Sheikh Osama Bin Ladin oo Fariin uu soo diray Mujaahidiinta Soomaaliya in ay xilka ka Tuuraan madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed.

bin-laadin

Halkaan ka akhri

bin-laadin1

Fariin Cod ah oo uu soo Duubay Hogaamiyaha Ururka Al-Qacidda Sheikh Osama Bin Ladin, isla markaana lagu faafiyay Qaar ka mid ah Website-yadda ayaa waxa uu ku Baaqay in xilka laga Tuuro Sheikh Shariif Sheikh Axmed isla markaana ay waajib tahay in lala dagaalamo dowladiisa.

Sidoo kale Sheikh Osama wuxuu Fariintiisu ku yiri “Madaxdaas oo kale waxay Wakiil u yihiin Cadowgeena, loomana Dhiiban karo Xukun Aslamba, Sheikh Shariif Xaalkiisu waa sidaas, waxaana Waajib ah in Xididada loo siibo lalana dagaalamo”.

Hogaamiyaha Al-Qacida Sheikh Osama Bin Ladin oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Sheikh Shariif wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga iyo Mujaahidiintaba, laakiin Damac galin iyo Balanqaadyo uu ka helay Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya waxay keentay in uu Ridoobo, wuxuuna kula Heshiiyay inuu is-wadaajiyo (is-waafajiyo) Qawaaniinta Gacan ku sameyska ah ee Gaalnimada ah iyo Shareecadda Islaamka si loo dhiso Xukuumad Midnimo Qaran, is-waafajintaasna waa Shirkiga ugu weyn ee Diinta looga Baxo”.

Bin Ladin waxaa kaloo uu ka hadlay Hindisayaasha ay Wadaan Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo uusan Caro baabin wuxuuna yiri “Walaalahayaga Muslimiinta Soomaaliya, waxaa haboon inaad ka digtoonaataan Hindisayaasha la huwiyay Shaarka Islaamka… sida Hindisayaasha loo Nisbeeyay Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed, ee siinaya Sheikh Shariif 6 Bilood si uu u dhaqan galiyo Shareecadda Islaamka, waxay ka Codsanayaan arrinta loo soo wakiishay inuu Dumiyo.

Dhanka  kale Hogaamiyaha Al-Qacida Sheikh Osama ayaa eedeeyn dusha ka saaray Dowladaha Sacuudiga iyo Masar waxa uu yiri “Ka digtoonaada dhamaan hidisayaasha ka soo horjeeda Diinta Islaamka, waxba tari maysa inaad kor u qaadaan Magac Mu’asaso Diimeed oo in badan ka mid ah Mu’asaaskaasi, waayo waxa ku lug leh Maamulada Sacuudiga iyo Masar”.

Sheikh Osama Bin Ladin oo ah hogaamiyaha Ururka Al-Qacidda ayaa sidoo kale la hadlay Xoogaga Muqaawamada ee Soomaaliya wuxuuna yiri ”Walaalaheena Muslimiinta ah ee Mujaahidiinta Soomaaliya ahoow, waxaan idin leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu, Dagaalka ka socda dhulkiina Sanadahan waa dagaal u dhaxeeya Islaamka iyo Gaalo Caalamiga ah, Gaashaanbuurta NATO ayaa Arintaasi u soo wakiilatay Ethiopia, kuwaas iyo kuwa ay soo wakiisheenba markii ay ku daaleen Jihaadkiinii Barakaysnaa waxay Miciin bideen Shirqool iyo Dhagar inay sameeyaan, waxay idiin soo sameeyeen Nin idinka Tirsanaa, laakiin iyaga ku Diin ahaa, waa Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf”.

Hogaamiyaha Ururka Al-Qacidda Sh. Osama ayaa Baaq u soo jeediyay Soomaalida, wuxuuna ugu Baaqey inay sii wadaan Jihaadka, waayo Gaalada Caalamka waxay ku jiraan Mushkilad aan waligeed soo marin.

Ugu danbeyntii Sheikh Osama wuxuu ku yiri bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah “Waxaa waajib ah in lala Dagaalamo Xukuumadda Ridada ah ee Soomaaliya laga dhisay, mana ah in Dagaalka laga joojiyo” wuxuuna Muslimiinta Dunida ugu Baaqey inay u soo Hiiliyaan “Mujaahidiinta Soomaaliya” oo uu ku tilmaamay inay joogaan “Difaaca Hore ee Dunida Muslimka Qeybtiisa Koonfur Galbeed”.

Sourse SHAMIKH

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: