Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Qaranka.

jen-maxamed-warsame-darwiish2

Halkaan ka akhri

 War goor dhoweyd  naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Midnimada Qaran ee Dowladda KMG Soomaaliya ay xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Jen. Maxamed Warsame Darwiish, kadib kulan uu golaha maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Goluhu waxaa shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana kulankaas ka qeyb galay in ka badan 20 wasiir, waxaana goobtaas  xaadir ku ahaa Gudiga Ammaanka Qaranka ee uu magacaabay Madaxweyne Shariif.

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan oo lahaa soo jeedinta xilka qaadista Generaal Darwiish, ayaa ugu dambeyn waxay Golaha Wasiirada cod u qaadeen xil ka qaadista, waxaana ugu dambeyn si aqlabiyad ah ay isugu raaceen Golaha xil ka qaadis Jeneral Darwiish.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isla goobta waxaa uu ku ansixiyay in xilkaas loo magacaabo Jeneraal Maxamed Sheikh Xasan oo loo magacaabay Xilka Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka.

Sida la sheegay Jen. Maxamed Warsame Darwiish oo lagu tilmaami jiray inuu ahaa  gacanta midig ee Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf, waxaana lagu eedeyn jiray inuu mas’uul ka ahaa xariga dad aan waxba galabsan oo qaarkood laga qaadi jiray lacago madax furasho ah, waxaana Xabsi ku yaal Madaxtooyada lagu heyn jiray maxaabiis lagu soo qaban jiray dagaalada oo qaarkood loo dhoofiyay Ethiopia.

Hase yeeshee xil ka qaadista lagu sameeyay Jen. Darwiish ayaa ah tallaabo ay Dowladda Midnimada Qaran horay ugu qaaday, waxaana uu ka mid ahaa ragii mas’uuliyada ku lahaa dagaaladii iyo barakicii ka dhacay Magaalada Muqdisho, inkastoo ay jiraan Mas’uuliyiin kale oo wali ka mid ah Dowladdan Midnimada qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif.

Waxaa kaloo kulankii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin mamnuucida dhulalka la sharciyeyay tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-dii oo laga soo qaaday waxba kama jiraan, sidoo kale waxaa laga hadlay arrimo la xiriira burcad badeedka iyo dhibaatooyinka ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: