Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo loo kordhiyay muddo 2-sano iyo bar ah inay sii shaqeeyaan.

dhagaxtuur7

Halkaan ka akhri

dhagaxtuur8Kalfadhi ay maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu dhawaaqay in kordhiyay muddo 2-sano iyo bar inay sii shaqeeyaan, maadaama ay muddadii 4ta bil ahayd jiritaankooda ay ka dhammaatay.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo Kalfadhigoodu ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka doodeen labo Mooshin oo maanta la hor geeyay, kaasoo ahaa in la kala diro ama waqtiga loo kordhiyo, waxaana ay xubnaha ay maanta si gacan taag ah isugu raaceen in muddo 2-sano iyo lix bilood lagu kordhiyo waqtiga jiritaankooda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo lahaa qaban qaabada kulankan ayaa horgeeyay Golaha Deegaanka Labadan Mooshin, kaas oo kama dambeys ay ugu codeen in waqti loogu daro sii jiritaankooda, kaas oo mudada labada sano iyo barka uu maanta ka bilaabanayo.

Kulankan oo soo xaadirtay 55-mudane ayaa 53- ka mid ah waxay u codeeyeen in muddo labo sano iyo bar lagu daro jiritaanka Golaha Deegaanka, halka labo mudane ay diiday, muddo kordhinta

Hase ahaatee natiijadii cod bixinta kalfadhigan ayaa waxaa kaga dhawaaqay Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,  wuxuuna  yiri “55-mudane oo ay fadhiyeen shirka Golaha Deegaanka 53 ka mid ah waxay u codeeyeen in Golaha Deegaanka Waqtiga loo kordhiyo, waxaa diiday labo Mudane oo u codeysay in Golaha Deegaanka la kala diro”.

Sidoo kale muddo kordhinta lagu sameeyay Golaha Deegaanka ayaa ah mid rajo u sii yeeleysa sii jiritaanka Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo maamulkiisa horay u doorteen Golahan kaasoo jiritaankiisu ahaa KMG muddo afar bilood.

Sida la wada ogsoon yahay Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhisay markii ay jirtay Xukuumadii Nuur Cadde, waxaana lagu saleeyay qaabka awood qeybsiga ee 4.5, iyadoona xubnaha deegaanka uu ka kooban yahay 64-mudane oo ka kala socda beelaha soomaaliyed, waxayna mudadii jiritaankiisa ahayd 120 maalmood ama Afar Bilood, iyadoona waxyaabihii loo igmaday Golaha Deegaanka in uu wax ka qabto waxaa ka mid ahaa sugidda Ammaanka Gobolka Banaadir, Soo celinta Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho iyo weliba Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: