Halkaan ka akhri
Wofdigii uu hoggaaminayey Sh. Shariif Sh. Axmed oo labadii maalin ee la soo dhaafey ku sugnaa Dalka Uganda Xaruntiisa Kampala ayaa wuxuu kulamo kale duwan la qaatey  Madaxda Dalkaas, Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo waliba Madaxweyne ku xigeenka Dalka Suudaan oo booqasho halkaas ku jooga.
Sheikh Shariif iyo Madaxeynaha Dalka Uganda oo ay wada kulmeen ayaa la sheegay inay  ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin gacan siinta Dowlada Cusub ee KMG ah oo uu kala haldey inay ka gacan siiyaan, arimaha Amaanka, dib u dhiska Dalka iyo dib u heshiisiinta, sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay Sayid Axmed Sh Daahir oo ah Safiirka Dowladda KMG ah halkaas u fadhiga.
Safiirka ayaa sheegay in labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii Soomaaliya ugu biiri laheyd urur ka dhaxeeya Mujtaca Bariga Afrika ku dhaqan oo Soomaaliya ka mid tahey, basle ayna ku jirin, hadase sidii ay ugu biiri laheyd.
Sidoo kale Sayid Axmed wuxuu  intaa raaciyay in Madaxweynaha Dalka Uganda ilaa xad ka aqbaley dhankooda, qorshooyinkiiWofdiga Soomaalida ay u soo jeediyeen, basle faahfaahin intaas ka badan kama usan bixin.
Sida lagu soo warramay Madaxweyne  Sh. Shariif waxay is arkeen Madaxweyne ku xigeenka Dalka Suudaan oo isla Hotel wada degganaayeen, waxayna ka wada hadleen arimo ku saabsan xoojinta Xiriirka labada dal iyo labada Umadood oo Walaalaha ah.
Dhanka kale Sh Shariif, waxa uu shaley kulan la qaatey Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan, waxa uuna warbixin ka siiyay Xaaladihii ugu danbeeyay ee Dalka iyo faahfaahino uu ka siiyay Dowladda KMG ah iyo halka ay wax u marayaan.
Madaxweynuhu wuxuu kulankii uu shaley la qaatey Jaaliyada ku soo hadal qaadey Qodobka ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo uu mar kale ku celiyay inay ka dhabeynayaan dhaqan geintiisa, waxaase uu Su’aal ka keenay dad uu sheegay inay arintaa shaki ka muujiyeen oo wali aan ku qancin, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna ku baaqey in la is aamino oo arinta laga wardhowro.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Sh. Shariif intuu ku sugnaa halkaas  waxa uu booqday qaar ka mid ah Xeryaha Ciidamada ee Uganda, waxa uuna booqashadaas ku saabsaneyd, sidii Madaxweynuhu u soo salaami lahaa Saraakiil Boolis oo ka tirsan Ciidanka Dowladda KMG ah oo halkaa u joogo tababaro, waxaa sidoo kale la sheegay in maanta oo Axad qorshuhu yahey inuu booqdo Xeryo kale oo ciidamo Soomaalida ka mid ah oo tababaro uga socdaan.
Si kasta ha ahaatee waxaa loo maleeyaa in Wofdiga uu hoggaaminayw Sh. Shariif uu  maanta ku eg yahey booqashadii ay ku joogeen dalka Uganda, sidaas waxaa sheegay Sayid Axmed oo ah Safiirka  Soomaliya u fadhiyo dalkaas, wuxuuna intaas raaciyey in lagu wadaa in Sh. Shariif iyo Wafdigiisu u dhoofan dhanka Dalka Rwanda oo qeyb ka ah wadamada uu Safarka ku marayo ahna Dalka ugu danbeeya ee uu booqanayo.
Sida aad la socotaan Socdaalka Madaxweynuhu waxaa ku wahelinaya Xubno dhowr ah oo ka mid ah Golaha Wasiirada, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdalla Boos Axmed, iyo Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan iyo Saraakiil kale oo dhowr ah.
SomaliSwiss   Kampala
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.