Halkaan ka akhri
Wareegto uu soo saaray Maanta taliska ciidanka Booliska dowladda KMG ayaa waxaa lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darraada ah gudaha magaalada Muqdisho, taasoo la sheegay in talaabo adag laga qaadi doono ciddii ku xad gudubta qodobkan.
Afhayeenka taliska Booliska C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafadda u akhrinayey wareegtada ayaa waxaa uu sheegay in ay xabsiga u taxaabi doonaan isla markaana baaritaan iyo daba gal lagu sameyn doono Askar ama cid walba oo lagu arko hub iyadoo la dhex mareysa magaalada gudaheeda.
Afhayeenka taliska Booliska C/llaahi Xasan Bariise ayaa yiri “Waxaynu hadal kaliya kuma koobna, meelo badan ayaana wax ka qabanay Maanta wixii ka dambeeyana ciddii lagu arko hub waa la qabanayaa, baaris ayaa lagu sameynayaa dambiga uu galay ayaana lagu qaadayaa”.
Amarkan lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah ee gudaha Muqdisho ayaa C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in uu daba joogo hadal uu shalay jeediyey R/wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke, kaas oo ku qotomay wax ka qabashada dhibaatooyinka xasilooni darrda ah ee ka jirta gobolka Banaadir.
Afhayeenka Booliska dowladda KMG C/llaahi Xasan Bariise ayaa ku baaqay in laga waantoobo loona hogaansamo amarkan lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah, taasoo uu xusay in talaabo sharciyeed ay la kulmi doonto ciddii ku xad gudubta.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.