Hoggaanka Ururka Islaamiga Al-Shabaab ee Gobolada Bay & Bakool oo baaq u jeediyay Culimada Soomaaliyeed.

abu-mansor1

Halkaan ka akhri

Hoggaanka maamulka Ururka Islaamiga ah Al-shabaab ee G/ Bay iyo Bakool ugu qaabilsan ayaa  shaley Shir Jaraa’id oo ay ku qabtey Magaalada Baydhabo  ayay uga  baaqeen Culimada Soomaaliyeed in ay hoggaanka u qabtaan Umaddooda.

Mas’uulka maamulka G/Bay iyo Bakool Sh. Xasan Abu-ayman ayaa ugu baaqey Culimada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay dadka iyo dalkoodaba hoggaanka u qabtaan, intii dad kale ay ku marin habaabin lahaayeen maamul Cilmaani ah, wuxuuna intaa raaciyey Sh Xasan, in xilligan la joogo Kaalintii Culimadu ku laheyd Bulshada dhexdooda loogana baahan yahey inay kaalitooda ka soo dhalaalaan.

Sidoo kale Sh. Xasan ayaa sheegay in Xilligii halganka ee dhalinyarta la soo dhaafey, ayna hadda taagan tahey kaalintii Culimada, loogana fadhiyo inay kaalintooda ka soo baxaan oo Xaalada Dalku maryo wax ka qabtaan.

Dhanka kale Sh. Xasan ayaa digniin u jeediyay Xubnihii hore ee Dowladda KMG ah oo ay ku jiraan Xubnaha Baarlamaanka oo uu sheegay inay sabab u ahaayeen Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya ee Dalka soo galey, geysetyna dhibaatooyin badan oo Naf iyo Maalba, balse bulshadeena waxaan u sheegaynaa in intii Nin Mujaahid ah joogo Dadkii Baarlamaankii hore ka midka ahaa oo gaalada noo keenay oodadkeenna xasuuqa u hor seeday Walaahey in aan la deyn doonin,sidaas ha ogaadaan.

Sh. Xasan ayaa waxa uu caddeeyey  inay Xubnahaas daba geli doonaan meel kasta oo ay joogaan, waxa kale oo uu intaa ku darey in loo baahan yahey Maxkamad in la soo taago dhamaan Xubnihii ka qeyb qaatey Dhibaateynta Shacabka.

Hase yeeshee hadalka Sh. Xasan Abu-ayman, ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan Dadaalo xoogan oo ay wadaan Culimada Soomaaliyeed oo ay ku doonayaan in lagu dhex dhexaadiyo Walaalaha iyo ka hortagida dhibaatooyin ka dhex dhaca Culimada iyo sidoo kale isu keenidooda.

SomaliSwiss    Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: