Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo isku raacay in cunaqabateyn la saaro kooxaha iyo shaqsiyaadka ay ka degi la’dahay Dalka Soomaaliya.

afrika1

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xafiiska Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegaya in Goluhu ay   isku raacay in cunaqabateyn la saaro kooxaha iyo shaqsiyaadka ay ka degi la’dahay Dalka Soomaaliya oo muddo 20-sano ay ka taagneyd qalalaaso iyo fowdo aan dhamaad laheyn.

Golaha Ammaanka ayaa la sheegay inuu dhowaan darsi doono Qorshahan cunaqabteynta lagu saarayo dadka ay ka degi la’dahay ee caqabada ku ah geedi socodka nabada Soomaaliya, isla markaana la soo bandhigi doono shaqsiyaadka iyo kooxaha caqabada ku ah degenaanshaha Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa codsaday in la dedejiyo soo gudbinta liiska shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh dambiyada dagaalka iyo qalalaasaha, si loo bartimaameedsado.

Sida uu sheegay Ururka Midowga Afrika, inay jiraan kooxo ay ku tilmaameen inay dhibaato iyo qas ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan waxay soo hadal qaadeen xarakada Alshabaab oo sheegtay inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo weerarada lala beegsado ciidamada Uganda iyo Brundi ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee lama oga inta ay la egtahay sameyneynta  cunaqabateyntan la saari  doonayo shaqsiyaadka ama kooxaha xagal daacinaya dadaalada nabada iyo dib u heshiisiinta ay hormuudka u tahay Dowladda Midnimada qaran ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli karo, iyadoo horay go’aano sidan oo kale loo soo saaray ay dhaxal gal noqon waayeen.

20-kii sano ee uga dambeeyay Soomaaliya oo aysan ka jirin nidaam iyo kala dambeyn ayaa waxaa uu dalka kala qoqobay Hogaamiye kooxeedyo is diidana, kuwaasoo aaqirkii meesha ka saaray wadaad diimeedyo isku mabda’ ahaa, balse haatan iska soo horjeedsa.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: