Afhayeenka Xisbul Islaam oo shaaciyay in ay Qeyb ka yihiin Dagaalka ka socda Gobolka Galgaduud ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna.

sh-muuse-cabdi-caraale

Halkaan ka akhri

Ururka Xisbul Islaam ayaa Maanta markii ugu horeysay Shaaca ka qaaday in uu Qeyb ka yahay Dagaalka Shalay iyo Maanta ka socda Gobolka Galgaduud gaar ahaan Tuulooyinka “Wabxo” iyo “Dac” ee u dhaxeeya Xoogaga Al-Shabaab iyo Kooxda Sheegata Ehlu Sunna wal Jameecah.

Ururka Xisbul Islaam ayaa ku tilmaamay Dagaalka halkaasi ka socda in uu yahay mid ay soo qaadeen Ciidamada Suufiyada isla markaana ah mid daan daansi ah.

Muuse Cabdi Caraale oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed ayaa Maanta isagoo u waramay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa sheegay in Xisbiga Islaamka Soomaaliyeed iyo Xoogaga Al-Shabaab ay ka wada qeyb galeen Dagaalkaasi isla markaana wuxuu Carabka ku dhuftay in Xoogagaasi ay isku aragti ka yihiin Dagaalkaasi.

Muuse Cabdi Caraale waxaa uu yiri “Waxaan rabay inaan warbixin yar oo kooban idinka siiyo Dagaal Shalay iyo Maanta ka dhacayay Gobolada Dhexe gaar ahaan Tuulada Wabxo iyo Meesha la yiraahdo Dac, Dagaalkaas oo ay soo qaadeen Ciidamo isku Magacaabay Qolooyinkii Suufiyada ahaa oo garabka siinayay Cadowga ilaahay ee Ethiopia, halkaas ayay Dagaal weerar ah oo Gardaro ah oo Dulmi iyo Daan daansi ah ku yimaadeen, Khasaare Naf iyo Maalba leh ayayna kala kulmeen , Jihaadkaasna waxaa ka wada qeyb qaatay Qeybaha kala duwan ee Mujaahidiinta, Guushana iyaga ayuu illaahay Siiyay, Illaahay baana ku mahadsan SW”.

Muuse Cabdi Caraale mar la weyiiyay in Dagaalka ka socda Gobolka Galgaduud uu ka qeyb qaatay Xisbiga Islaamiga ayaa waxa uu ku jawaabay “Anaga Mujaahidiinta waa isku kayna hal, Xisbul Islaamna Dagaalka waa uu ka qeyb galay waa war cad oo la ogyahay Dhalinyarada Walaalaheena ah ee Al-Shabaab waa ka qeyb qaateen, Dhamaan Mujaahidiinta Farqi uma kala laha Jihaadkaas meesha ka dhacay waa ku wada Jiraan, in hadda la kala sooco oo la kala farqiyana wax muhiim ah ma aha”.

Sidoo kale Mar la weydiiyay in Xisbiga Islaamka iyo Xoogaga Al-Shabaab ay Dagaalka u midaysanyihiin ayaa waxa uu ku jawaabay “kana waa u midaysanyihiin kaasna waa u midaysanyihiin mid ay ku kala duwanyihiin ma jirto, Mujaahidiintu Dhamaan waa isaga aragti Mabaadiida iyo Ahdaafta ay higsanayaan kuli waa isaga aragti, wax farqi ah oo xagga Ahadaafta iyo Mabaadiida ah oo u dhaxeeyaayi haba yaraatee ma jiraan”.

Muuse Cabdi Caraale oo sidoo kale la weydiiyay inay Diyaar u yihiin Waan waan laga dhaxsameeyo iyaga iyo Dhinaca kale ayaa waxa uu ku jawaabay “Ninkii asagu inta soo duulay Deegaan Nabad ah oo aan Dagaal ka dhicin oo aan Cadow joogin isagu inta uu ku soo duuley Dadkii Islaamka ahaa ee Deganaa Dagaal ula yimid oo xabad ku bilaabay, Xabad Ninkii Bilaabay Nin Waan-waan u socda ama war yeelaya uma eka, marka waxay ku habooneyd waan-waanta iyo warkaas inta aysan Duulaanka iyo Dagaalka ku soo qaadin Deegaanadaasi awal iska Nabada ahaa”.

Dagaalka ka socda Gobolka Galgaduud oo galay Maalintiisii 2-aad ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay illaa iyo hadda ay ku dhinteen Dad kor u dhaafaya illaa 20 qof halka 30 kalana ay ku dhaawacmeen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: