Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed oo Maanta booqday Xarunta Ciidanka Qaranka Burundi.

president-sheikh-shariff-ahmed

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee KMG Sheikh Shariif Sh. Axmed oo Booqasho Sadex Maalmood ah ku maraya magaalada Bujumbura ee Caasimadda dalka Burundi ayaa Maanta Booqday Akadeemiyada Tababarka Ciidanka dalka Burundi.

Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu Kulamo Muhiim ah la qaatay Madaxda Dalka Burund, waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa xaaladda  ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ugu horeyn Amaan u soo jeediyay Ciidanka dalka Burundi, intii uu ku sugnaa Akademiyada Ciidanka Qaranka Burundi oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Askar oo Burundeys ah.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuu kulana la qaatay Muslimiinta Dalka Burundi ee laga tirada badan yahay, Socdaalka Madaxweyne Sheikh Shariif ayaan la ogayn waxa uu ku salaysan yahay, marka laga reebo in dowladda Burundi uu uga Tacsiyadeeyo dhimashadii dhawaan ku timid Wasiir Ku-xigeenkii Gaashaandhigga Burundi oo dhowaan shil diyuuradeed ku geeriyooday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: