Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Taageertay Go’aankii ay Dowladu ku dhawaaqday ee ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

kulanka-culumada

Halkaan ka akhri

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta Taageera siisay Go’aankii ay dhawaan gaareen Golaha Wasiirada DowladdaKMG ah ee Soomaaliya ee ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, taasoo ay sheegeen in ku dhaqanka Shareecada islaamku uu Muhiim u yahay Shacabka  Soomaaliyeed, islamarkaasna ay uga Mahad celinayeen Dowladda KMG, sida ay dowladdu ay  tixgelisay Go’aanadii ay Culimadu dhawaantan ay kula Talisay.

Hase ahaatee Sheikh Maxamed Yaasiin oo katirsan Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa Warbaahinta u Akhriyay qodobadii ay ku Taageereen Go’aankii Golaha Wasiirada, waxaana ka mid ahaa:-

a- Culimadu waxay aad iyo aad u soo dhaweynaysaa Go’aanka ay Golaha Wasiirada ay qaateen ee ku saabsan in Dastuurka wadankan lagu maamulayo laga dhigo mid ku dhisan Shareecadda Islaamka arintaasna Culimadu aad iyo aad bay uga Mahad Celinaysaa Golaha Wasiirada Arintaa gaaray waxaan leenahay Ilaahay SW sida uu arintaas u waafajiyay waxyaabaha kale ee wanaaga ah inay qabtaan ee loo baahanyahay inay qabtaan ilaahay ha u waafajiyo.

b- Waxaa loo Baahan yahay Arrintaas hadda Afka ayaa laga yiri waa la sheegay waxay u baahan tahay inay dhaqan gal noqoto oo si ficil ah Bulshada loogu Maamulo, in Golaha wasiiradu arrintaas iyada ah ay horey u sii wadaan oo ay fuliyaan, Golaha Baarlamaankana waxaan ugu Baaqeynaa go’aankaas go’aan la mid ah inuu isaguna Qaato oo uu Meel mariyo, maxaa yeelay arintaasi waa waajib saran labada Gole iyo Dadka kalaba.

c- Culimadu waxay ugu Baaqeysaa Dhamaan Umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan Culimada, Wax-garadka, Odayaasha Beelaha, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo Qeybaha Bulshada ee Rayidka ah iyo Ururada Maamul ahaan u sameysan ee wax u dhisanyihiin haday Mujaahidiin yihiin iyo hadday Cid kalaba yihiin inay arrintaa Fulinteeda ka qeyb qaataan oo dadka howshaan wada garab ku siiyaan oo loo guntado, maxaa yeelay waxa weeye, xil dadka oo dhan wada Saaran, wax ay hay’ad gaar ah oo iska leedahay ma ahan, waxaana loo baahan yahay Danta guud ahaaneed iyo diinta in la hormariyo oo laga hormariyo arrimaha Urureed.

SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: