Halkaan ka akhri
Cubeyd Max’uud Max’ed oo ahaan jiray Madaxii Amaanka Ra’isul wasaarayaashii Soomaaliya xiliyadii ugu danbeeyay soo maray dalka ayaa waxaa Maanta lagu khaarijiyay Qarax Miino oo ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ku geeriyooday Marxuum Cubeyd Max’uud Max’ed iyo 2 nin oo kamid ahaa ilaaladiisa, iyagoo watay gaari nooca Runetka ah.
Â
Marxuum Cubeyd Max’uud Max’ed oo ahaan jiray taliye dhinaca amaanka ah, isagoona lasoo shaqeeyay Ra’isul wasaarayaashii ugu danbeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan Cali Max’ed Geedi iyo Ra’isul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) .
Qaraxan Miino ee uu Maanta ku geeriyooday masuulkan iyo ilaaladiisa ayaa  waxaa uu ka dhacay deeganka Maana Booliyo ee dagmada Shibis, waxaana uu burbur xoogan ku yimid gaarigii ay wateen kadib markii ay lakacday Miinada.
Markii uu dhacay Qaraxaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Abuukar Max’ed Xuseen (Abuukar Shiino) oo Adeer u ah Masuulka Qaraxa lala eegtay, iyadoo uu Qaraxaasi sababay geerida Marxuumka iyo labo ka mid ah ragii la saaranaa oo mid ka mid ah uu ahaa Cubeyd Walaalkiis.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Shibis Xasan Raage Colow oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay Qaraxa oo aheyd meel ku dhow guriga masuulka geeriyooday ay gaareen isaga iyo ciidamo uu watay, waxaana uu tilmaamay in meesha uu ku arkay hilbo googo’an iyo burburka gaariga Miinada lala eegtay.
 SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.