Halkaan ka akhri
Kulan ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda KMG, Sheikh C/Qaadir Cali Cumar iyo Saraakiil ka tirsan hogaanka ciidanka Booliska ayaa Maanta lagu qabtay xarunta gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, kulankaas oo qaatay mudo saacado ah.
kulankan Muhiimadiisa ugu weyn ayaa waxaa ay aheyd wax ka qabashada dhibaatooyinka xasilooni darro ee ka jirta goobo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
kulankan markii uu soo dhamaaday ayaa Saxaafadda waxaa la hadlay afhayeenka ciidanka Booliska C/llaahi Xasan Bariise, isagoo shaaca ka qaaday qodobada kale ee looga hadlay kulanka in uu ka mid ahaa sidii loo sameyn lahaa isku dhaf dhanka ciidamada ah.
C/llaahi Xasan Bariise ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in uu jiro tababar u socda ciidamada booliska xarunta Iskuul boliisiya ee magaalada Muqdisho.
Kulankan Maanta ay isugu yimaadeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Saraakiisha ciidanka Booliska ayaa gaba gabadii waxaa lagu balamay in dib la’isugu soo laabto, si loo wajaho xaaladaha Ammaan darri ee ka jira magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.