Halkaan ka akhri
HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA
Anigoo ah Mohamed Caalim waxaan Raali gelin buuxda ka bixinayaa Gabaygii loo tiriyay CAAISHA DHUXULOW ee Taariikhdu marki ay aheyd December 3, 2008, kusoo baxay Shabakadda SomaliSwiss oo aan aniga usoo diray ee magaceyga kusoo baxay in ay Tirisay Hamdi Sheekh Mohamed oo ay iyadu leedahay.
Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Allow aqoon darro ha igu cadaabin, caddaal darrase ha igu cafin”. Waxaan ula jeedaa, gabayga “CAAISHA DHUXULOW WAA DAAHIR WAANA AHLU JANNA” aniga waa la ii soo diray, ayadoo aan la ii sheegin qofka tiriyey.
Marka aan arkay nuxurka uu xambaarsan yahayna, dad badan oo ay kamid yihiin Shabakadda SomaliSwiss aana u gudbiyey. waxaana leeyahay waa qalad farsamo oo aniga xageyga ka yimid, waana ka raali gelinayaa walaashey Hamdi Sheekh Mohamed, waxaana halkan ka cadeynayaa dhab ahaan in aan anigu tirin gabaygaasi oo ay tirisay Hamdi Sheekh Mohamed.
Walaashey Hamdi-na ha iga raali noqoto, ulama jeedin in aan maansadeeda Bililiqeysto.
Salaan wacan dhamaantiin
Mohamed Alim
Halkan ka Akhri Qoraalkii hore ee khaladka ahaa ee  kusoo baxay Shabakadda SomaliSwiss https://somaliswisstv.com/2008/12/03/caaisha-dhuhulow-waa-daahir-waana-ahlu-janno/
Filed under: SomaliSwiss, Yusuf Garabey |
You must be logged in to post a comment.