Munaasabado ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Haweenka Aduunka 8-da Maarso oo ka socota qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya.

8da-maarso

Halkaan ka akhri

8-maarso1Munaasabado ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Haweenka Aduunka 8-da Maarso ayaa maanta  ka socota qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya , balse warka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu qabtay munaasabadaas,waxaana ka soo qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran iyo Haweenka Gobolka Banaadir.

Hase ahaatee Munaasabadan ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa soo qaban-qaabiyay wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir.

8-marsoSida la sheegay waxaa munaasabadan qeyb libaax ka qaatay fanaaniin kala duwan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo heeso xambaarsan xuquuqda haweenka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu si aad ah u adkeeyay Ammaanka Xarunta oo ah Goobta xafladda ka dhacayso, halkaasoo ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Midnimada qaran oo si weyn uga qeyb qaadanaya.

8-maarsoSidoo kale munaasabado la mid ah ayaa waxay ka socdaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay dhigayaan ururo iyo Hay’ado kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan Ururada Haweenka oo Munaasabadan si weyn u xusaya.

Wararka kale oo aan ka helnay Gobollada dalka Soomaaliya ayaa sheegayaa in ay ka socdaan Munaasabadda lagu qiimaynaayo guug ahaan Haweenka caalamka. Gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo hormuudka ka ah Nabadeynta dalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: