Halkaan ka akhri
Shir Caalami ah oo looga hadlayo dambiyadii dagaalka ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Geneve dalka Switzerland, ayaa waxaa soo abaabulay hay’adaha Xaquuqda Insaanka iyo maxkamada dambiyada dagaalka ee Caalamka ee ICC, waxaa looga hadlayay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dabagalka gaboodfaladii dambaydii dagaal ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sidii maxkamada dambiyada dagaalka ay gacan uga geysan laheeyd la xisaabtanka dambiilayaasha dagaalkii ka dhacay dalka Soomaaliya,maadaama Sooomaaliya aysan ka mid aheeyn wadamadii saxiixay oggolaanshaha dhismaha Maxkamada dabiyada dagaalka ee Aduunka.
Sida lagu soo warramay in dadkii ka soo qayb galay shirkan hortooda lagu akhriyey waraaqd uu golaha Amaanka u qoray Ergayga gaarka ee QM uga Wakiilka ah Soomaaliya Axmed Walad Cabdala, waraaqahaas oo lagu dalbanayay in lala xisaabtamo dadka gaboodfalada dagaalka ka geystay gudaha dalka Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee kulankaan ayaa ku soo beegmay xili inta badan hay’adaha xaquuqul Insaanka ee ka howlgala Soomaaliya ay sheegaan in ay dhici doonto maalin lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay gabood-falada dambiyada dagaalka iyo xasuuqyadii bareerka ahaa ee ka dhacay Soomaaliya tan iyo waxii ka dambeeyay markii USC ay xukunka ka tuurtay dowladii Max’ed Siyaad Barre.
SomaliSwis  Zürich
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.