Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Booqasho Sharaf ku tagay Dalka Kenya.

president-sheikh-shariff-ahmed1

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka degay garoonka Diyaaradaha Jomakenyata ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey Madax Sare oo ka tirsan Dowladda Kenya iyo Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa lasheegay in uu yahay mid qorsheysan oo la filayo in uu kusoo maro dalal dhowr oo Afrikaan ah, iyadoona socdaalka uu ku tagay Magaalada Nairobi uu yahay socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago tan iyo markii uu qabtay jagada Madaxweyne ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Sheikh Shariif oo ay  ku wehliyaan qaar ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa la filayaa in uu kula kulmo madax katirsan dowladaha Caalamka iyo Madaxweynaha dowladda Kenya Mwai Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Raila Odinga.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxaa lagu wadaa inuu u sii gudbi doono Dalalka Uganda iyo Brundi oo ay Ciidamo Nabad ilaalin ka joogaan dalka Soomaaliya, iyadoona laga yaabo in Madaxweyne Sheikh Shariif uu ka dalbado dowladahaasi in ay tixgeliyaan Go’aankii Culimada ee ahaa in 120-cisho ay dalka uga baxaan ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee sida dhabta ah lama xaqiijin karo sababaha rasmiga ah ee kadambeysa Safarkan Madaxweyne Sheikh Shariif uu kusoo marayo wadamadan Afrikaanka ah, balse waxaa laga war sugayaan marka uu kawarbixiyo Madaxweynaha socdaalkiisan Afrika. 

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: