Wafdi ka kooban Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo Maanta ka dhoofey garoonka Muqdisho.

Airport

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ka duuley Wafdi ka kooban Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, Golaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye iyo Ganacsato, sidaas waxaa shaaca ka qaaday oo Warbaahinta u sheegay Sh. Maxamuud Abu-sheyba oo ku sugnaa Garoonka.

Sida la sheegay Wafdigan ayaa u ambabaxay magaalada Doxa ee Dalka Qadar,  waxayna Marti qaad rasmi ah ka heleen Midowga Culimada Muslimiinta ee uu Hogaaminayo Sh. Yuusuf Qardaawi., Wafdiga ayaa u timid  Diyaarad khaas ah oo loo soo direy taas oo geyneysa Dalka Kenya, kadibna ay Diyaarad kale ka sii qaadi doonaan.

Wafdiga ka socda Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ka kooban 6 xubnood, ujeedada Socdaalkoodana  ayaa lagu sheegay  inay ka qeyb galayaan Shir looga hadlayo Xaalada Soomaaliya uu marayoee.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa: Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sh, Dr; Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiye ku Xigeenka, Sh Cusmaan Ibraahim Axmed.Sh Maxamed Cabdi Umal, Sh. Dr; Shariif Cusmaan Axmed, Sh Jaamac C/salaam iyo C/laahi Cusmaan kaahiye oo ah Kaaliyaha Sh Bashiir.

Waxaa kaloo Wafdigaas  ka mid ahaa Xubnaha ka socda Golaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye  oo matalayeen, Gudoomiyaha GolahaMaxamed Xasan Xaad,  Afhayeenka Golaha Axmed Diiriye, sidoo kale  waxaa Wafdigan ka mid ah Ganacsade Abukar Cumar Cadaan oo la socday Kaaliyihiisa kaasoo aan magaciisa la sheegin.

Hase yeeshee lama sheegin waqtiga uu  furmayo shirkan iyo sidoo kale inta uu soconayo, balse casuumadan ayaa timid kadib markii ay dhawaantan magaalada Muqdisho safar ku yimaadeen Wafdi ka socday Midowga Culimada Muslimiinta iyo Hay’ada Ka hortaga Cadowga Muslimiinta, kuwaas oo kulamo kale duwan la qaateen Garabyada Muqaawamada, Odayaash dhaqanka iyo Dowladda KMG ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: