Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Xisbul Islaam Dr. Cumar Iiman Abuu Bakar ayaa ku tilmaamay dowlada KMG ah mid aan waxba qaban karin isla markaana waxaa uu ciidamada AMISOM ku sheegay in ay dalka u yimaadeen sidii ay uga hor tagi lahaayeen xoogaga Muqaawamada, waa sida uu hadalka udhigaye.
Dr. Cumar IImaan oo Maanta lahadlayay saxaafadda ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda KMG Soomaaliya aysan waxba kaga duwaneyn dowladii TFG-da ee uu hogaaminayay C/llaahi Yuusuf, isagoo tilmaamay in ay jiraan meelo fara badan oo ay isaga egyihiin dowladaasi sidaasi daraateedna ay ka duwanaan doonin.
Dr. Cumar Iimaan ayaa yiri: “Hadii dastuurkii uu kii hore yahay Baarlamankuna kii hore yahay oo aan ognahay dastuurka in ay qodobo gaalnimo cad ah in ay ku jiraan oo culumadu ay sheegtay ee inta ay dowladan ay soo qaateen ay yiraahdeen dastuurkani ayaa sharci ah dalkana waan xakumaynaa, waxaasi waa wixii horay loogu hungoobay”.
Dr. Cumar Iimaan ayaa mar uu soo hadal qaaday Ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada Uganda iyo Burundi waxaa uu ku sheegay in waxa loo soo tababaray ee loogu soo diray Soomaaliya ay tahay in ay dib u riixaan kacdoonka Islaamiga ee dalka Soomaaliya.
Dr. Cumar Iimaan ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Shacabka Soomaaliyeed nimankan Burundiga iyo Ugaandheeska ah markii la soo dirayay waxaa soo tababaray ciidamada Maraykanka, maalintii uu tababarka usoo dhamaanayayna waxaa loo aqriyay waxaa ka mid ahaa in Mujaahidiinya ay ka hortagaan, mana doonayaan in dalka ay nabad ka dhaliyaan” sida uu hadalka u dhigay Dr. Cumar Iimaan.
Dr. Cumar Iimaan ayaa sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu baaqo in laga warsugo dowladda KMG Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid faashil ah oo ku socota dariiq aan wanaagsanayn.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.