Halkaan ka akhri
Afhayeenka Baarlamaanka KMG ah Aadan Madoobe  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, wafdigan la socday Diyaar khaas oo dalka kenya ka soo qaadey, lamase oga tirada guud ee Xubnaha wafdigan uu hoggaaminayo Aadan Madoobe.
Hase yeeshee waxaa horey loo ogaa inay jireen qorshayaal Dowladda KMG ah si guud ugu soo guureyso gudaha dalka, ka dib markii uu shir lagu soo dhigay Dowlada cusub ugu soo dhamaadey Dalka Djibuoti.
wafdigan waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Doeladda KMG ah ee horey u joogay magaalada Muqdisho.
Sida lagu soo warramay Wofdigan ayaa waxaa garoonka ka soo qaaday Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka, waxaana loo soo galbiyay dhanka Madaxtooyada.
Basle intii soo galbitoodu socotay waxaa  muddo saacada ah la xiray Wadooyinka isku xira Garoonka iyo xarunta Madaxtooyada, taas oo saameyn ku yeelatey dhaq dhaqaaqyada kale duwan ee Dadka iyo Gaadiidka rayidka.
Kadib markii Wofdiga la geeyey waxaa Shir Jaraa’id oo kooban Xarunta Madaxtooyada ku qabtay Guddoomiyaha Barlamaanka Aadan Madoobe wuxuuna sheegay in labo toddobaad ah ay Dalka Kenya u joogey arimo ku saabsan howlaha Baarlamaanka, taasoo uu sheegay inay ku guuleysteen inta badan Barnaamijkii halkaas ay u tageen.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.