Ururka Jabhadda ONLF oo dagaal xoogan kadib sheegtay in ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ka dileen 24 Askari.

onlf

  Halkaan ka akhri

Ururka Jabhadda ONLF ee Soomalida Ethiopia  ayaa sheegatay in ay dileen 24 Askari oo Ethiopian ah, kuwa intaasi ka badana ay ka dhaawaceen kadib markii dagaal culus ay kula galeen ciidamda gumeysiga Ethiopia degaanka dhagaxbuur.

onlf
onlf

O.N.L.F. soldiers often celebrate after a fight, a difficult physical trek or upon entering a village.

Sida uu sheegay Xoghayaha warfafinta ee ONLF ee ku sugan magaalda Doha ee dalka Qatar in Jabhaddu ay dagaal la galeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia  bisha febraury 4-teeda  deeganka dhagax buur islamarkaana uu weli dagaalka ka socda meelaha ay degan yihiin Ismamulka Soomaalida Galbeed.

Hase ahaatee Ilaa iyo haatan dowlada Ethiopia kama aysan hadlin Qasaarahan ay sheegeen Jabhadda ONLF ee ay u geysteen Ciidamada Ethiopia, waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay Xusen Nuur bal iyagana waxa dhinacooda soo gaaray waxaa uuna sheegay in ay jiraan xagooda waxyaabo soo gaaray, isagoo shegay in ay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay ka xurowda dhulka Soomaalida ee ay gumeysatodowladda Ethiopia.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidanka Ethiopia iyo Jabhada ONLF uu socday labadii todobaad ee la soo dhafay taasoo ay ka dhasheen qasaare baaxad leh oo labada dhinacba soo gaaray.

Hase yeeshee Bishii June ee sanadii 2008-da ayaa hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada New York ee Human Rights Watch waxaa ay ciidamada gumeysiga Ethiopia ku eedeysay in ay gubtay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala dhulka ismaamulka Soomaalida Galbeed, islamarkaana ay leynayaan Shacabka Haweenkana kufsanayaan.

Sidoo kale dagaaladii Maalmihii la soo dhafaay ka socday halkaasi ayaa Jabhadda ONLF waxaa kaga Shahiiday rag iyo mas’uul kamid ah  jabhadaasi, lakiin waxaa ay Jabhada ONLF sidoo kale sheegtay in ay dagaalka sii wadayaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: