Sarkaal ka tirsan Hey’ada Samafalka Well-Concern ee ka howl gasha deegaanka Mareerey ee gobolka Jubbada Hoose oo la dhaawacay.

Halkaan ka akhri

Burcad hubeysan ayaa Maanta rasaas ku furay gaari marayey deegaanka Mareerey ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo uu ku nafwaayey hal qof halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Gaarigan ay weerareen kooxda hubeysan ayaa waxaa watay madaxa hey’adda Well Concern ee deegaanka Mareerey Maxamed Balbaleyti, kaasoo ay dhaawac u geysteen kooxdii weerarkaasi ku qaaday. 

Sidoo kale waxaa isla gaarigaasi ku dhaawacmay saddex caruur ah oo uu dhalay madaxa hey’adda Well Concern ee deegaanka Mareerey Maxamed Balbaleyti iyo mid ka mid ah istaafkii la socday.

Shilkan oo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysay ayaa waxaa sidoo kale ku nafwaayey nin Oday ah oo ku sugnaa hareeraha goobta ay weeraradu ka dhaceen.

Deegaanada hoos taga gobolka Jubbada Hoose ayaa mudooyinkan dambe xaaladooda ammaan waxaa ay ahaayeen kuwa kasoo reynaya, hasa ahaatee shilkan ayaan kala cadeyn saameynta uu ku yeelan karo hannaanka Nabadgelyo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: