Kulan ay dowladda Midnimada Qaran ku yeesheen Xarunta Madaxtooyda oo Gudiyo loogu saarey Arimaha Dhaqaalaha & Amniga.

wasiirada-ladhaariyay

 Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Dowladda Midnimada Qaran ee KMG ah oo Shaley kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyda, ayaa la sheegay in kulankooda ay kaga doodeen arrimo la xiriira sidii loo dardar gelin lahaa  arrimaha Amaanka iyo Dhaqaalaha, hase yeeshee dood dheer kadib, waxaa halkaas loogu dhawaaqay laba Gudi oo ka kala soo shaqeya sidii Amniga loo sugi lahaa iyo sidii loo uruurin lahaa dhaqaalaha Dowladda, waxaana Guddiyadaas ka mid ah:-

1      Gudiga Arimaha Amaanka ka shaqeynaya ayaa ka kooban, Wasaaradaha; Gaashandhiga, Amniga iyo Arimaha Dibada.

2       Gudiga Arimaha Dhaqaalaha uu ka kooban yahey Wasaaradaha; Maaliyada, Gaadiidka, Boostada & Isgaarsiinta, Ganacsiga iyo Xanaanada Xoolaha.

Gudiga Amaanka wali howlihiisa si rasmi ah uma soo wada gudbin sababtoo ah, qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradaha arrimaha howlahaas ka soo shaqeyn lahaa oo dalka ka maqan, hase yeeshee waxaa kaloo  isla shaley uu Gudiga Dhaqaalaha uu soo gudbiyay lana hordhigay Golaha Wasiirada warbixintii looga baahna oo isla fadhigaas loogu doodey.

Wasiirka Ganacsiga C/rashiid Cirro oo la hadlayey warbaahin ka dib markii kulanka Wasiirada uu dhamaaday ayaa  wuxuu sheegay in Xukuumadu marka hore muhiimad gaar ah siineyso sidii xooga u saari laheyd Arimaha Magaalada Muqdisho iyada oo kaashaneysa Shacabka ku dhaqan, markaa ka dib u gudbi doonaan Gobolada kale ee Dalka.

Wasiirka oo si faahfaahsan uga hadlayey arrintaas waxa uu yiri:“Waxaan rabnaa marka hore Muqdisho, anaga oo kaashaneyna Dadweynaha ku nool in Muqdisho aanu aad xooga u saarno oo Maskax, Muruq iyo Maal wixii la hayo la isugu geeyo, Muqdishana marka hore Nabadeeda la raadiyo, hadii Magaala Madaxdu caafimaad hesho oo hada waxa ka jira ee Dhimashada, Dhaawaca iyo Dagaalada ka baxdo…. Markaa wixii ka danbeeyana Goboladaa lagu fidin doonaa, nabad gelyada raadinteeda iyo Nidaamka Dowliga ah sidii loo gaarsiin lahaa”.

Hase ahaatee Wasiirku wuxxuu ka warbixiyay Howlaha gaarka ah ee Wasaaradiisa u yaala oo uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan Dhibaatooyinka kale duwan ee heysta Ganacsiga Soomaaliya oo ay horeeyaan Badeecadaha la iska keenayo Dalka ee aan Control-ka soo marin.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay wax ka qabanayaan Cabashooyinka kale duwan ee ka soo yeeraya Ganacsatada iyo Shaqaalaha kale duwan ee Arimahaas ka shaqeeya.

Dhanka kale arrimahan ayaa qeyb ka ah firfircooni ay muujineyso DKMG ah ee dhawaan la soo dhisay taas oo ka soo baxdey Shirkii Dalka Djibouti loogu aqabtey ARS/garabka Jabuti iyo Dowladii KMG ah ee uu Madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: