Markab ay ku rarneyd Dhuxul oo isagoo gubanaya kusoo xirtay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

markab-dab-qabsaday

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ku soo xirtay Markab kuwa Xamuulka ah oo siday Dhuxul oo gubanaayo .

Sida lagu soo warramay Dhuxusha Markabkan saarneyd ayaa laga soo kala raray Dekedaha Macmalka ee Ceel-macaan iyo Baraawe.

Sidoo kale Markabkan ayaa la sheegay in laga leeyahey Dalka Kurea, waxaana saarnaa oo la socday 24 Shaqaale oo Dalka Kuriyaan ah, balse Dhuxushii Markabkan saarneyd ayaa loo waday Dalka Imaaraadka Carabta, hase yeeshee  uu Dabku ku qabsadey isaga oo maraya Badweynta dhexdeeda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Markabkan oo markii hore dhuxul ka rarey Dekeda Macmalka ee Ceel-macaan ayaa dhuxul kale u doonay Dekeda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo la aaminsan yahey Dhuxushii uu ka soo qaadey qaar ka mid ah ay nooleyd.

Hase ahaatee wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Markabkan ay u gurmadeen Shaqaalaha Dekeda iyo Mas’uuliyiintuba, waxayna daal xooggan ay kula tacaalayaan sidii loo damin lahaa dabka qabsaday Markabkan iyo Dhuxusha saaran ee Dabku ka kacay.

Waxaa sidoo kale dejin xoogan ayaa lagu wadaa Dhuxusha Markabka saaran, waxaana Dekedaka la isugu keenay Gaadiidka Dabdamiska intii la heli karey, waxaana ka mid ahaa Dadka gurmadka halkaas ku tegay qaar ka mid ah Ganacsatadii Markabkan u raranaa.

Si kasta ha ahaatee Markabkan ayaa lagu magacaabaa MV1005 oo wali ka baxaya Qiiq xoogan, xilli ay jiraan dadaalo xoogan oo lagu doonayo in Dabka lagu Bakhtiiyo, Markabka iyo Dhuxusha saaran lagu badbaadiyo, balse waxaa  la sheegayaa inay jiraan khasaarooyin badan u dabkan geystay qaar ka mid ah godadka Dhuxusha lagu buuxiyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: