Halkaan ka akhri
Waxaa lagu wargelinayaa Dhamaan Soomalida heysata dhalashada Swiss-ka ee degan Magalada Zürich in ay soo dhow dahay xiliga Doorashada Guddoomiyaha Kanton Zürich (Stadt Presideintin Zürich) ee ku aadan 29 bishan März 2009-ka.
Sidoo kale waxaa loo sheegayaa Soomaalida in Jaaliyadaha dadka Ajaanibta ah ee deggan magaalada Zürich in ay ku tashadeen in ay codkooda siinayaan Haweeneyda u sharaxan xisbiga (SP) (Sozial Partei) Frau Corina Mauch, sidaas awgeed waxaa laga codsanayaa Soomaalida heysata dhalashada dalkan Swiss-ka ee degan Magalada Zürich in ay ka qayb qaataan Codsiinta Frau Corina Mauch.
Waayo? sida la wada ogsoon yahay xisbiga (SP) (Sozial Partei)Â wuxuu hirgeliyey barnaamijyo lagu guuleeystay oo dadka Ajnabiga ah u sahlay in ay Qaataan Sharciyada iyo dhalashada dalkan Switzerland.
Hadaba si ay u sii socoto aqoonsiga iyo qaadashada u sahashay Soomalida Dhalashada sharciga wadankan Swiss-ka waxaa lagama maarmaan ah in aan Codkeena siino xisbiga (SP) (Sozial Partei), hadaba haddii aad heysato dhalashada wadankan Swiss-ka ee aad degan tahay ka qeyb qaado Codeynta dhaci doonto 29. März 2009-ka, Codkaagana waa u Muhim xisbigaasi.
Dhanka kale waxaad la socotiin in dad badan oo Soomaali ah ay codsigooda uusan weli Maqan oo aysan kaba qeyb qaadan doorashooyinka dhaca, sidaas darteed dhiibo Codkaaga si loo difaaco inta xaquuqdooda maqan ama laga tirada badan yahay.
SoomaliSwiss Community Zürich
Mustaf Bashir Gobdon
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.