Roobab Mahiigaan ah oo si aad ah uga da’ay Nawaaxiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shasheelaha Hoose.

roobab-mihigaan-ahbmp2

Halkaan ka akhri

Roobaba Mihigaan oo si aad ah ugu biya dhigay ayaa ka da’ay Nawaaxiga deegaanada Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Deegaanka Baadle oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa xalay ka da’ay roobab lagu diirsaday oo soconayay ku dhawaad 1-saac oo xiriir ah, waxaana roobabkaasi ku guryo beelay ku dhawaad 10-qoys oo halkaasi degenaa.

 

Sida lagu soo warramay Deegaankan oo xalay roobka lagu diirsaday ka da’ay ayaa  ka mid ahaa deegaano ay ka jireen biyo la’aanta baahsan ee saameynta ku yeeshay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan,waxaan ay fuustadii biyaha ka mareeysay 70-kun oo shilin Soomaali ah.

 

Dadweynaha deegaanka Baadle ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in ay ka bexeen haraadkii iyo biyo la’aanatii heysay, balse ay iminka la soo derstay hoy la’aan, waayo dadka deegaankan ayaa waxay ku noolaayeen aqalo iyo guryo ay dhisnaayeen Cooshash ama Buushash ayaa waxaa cagta mariyay roobkii xalay da’ayay, waxaana ay hay’adaha gargaarka iyo ganacsatada Soomaalida ah ay ka codsadeen in ay gargaar la soo gaaraan iyo  aqalado wax ay ka sameytaan

 

Si kasta ha ahaatee waa Markii ugu horeeysay ee roobab ka Guga ay ka curtaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose,waxaana uu roobkani ku soo aadayaa xili dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan ay saameeysa abaaro iyo biyo la’aan halkaasi ka jirtay oo sababtay in ku dhawaad 2-qof ay haraad ugu geeriyoodaan gobolka Shabeelaha Hoose.

SomaliSwiss       Afgooye – Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: