Degmada Kaaraan oo ay Saakay xaaladeeda wanaagsan tahay, kadib markii la geeyey Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga.

mudisho

 Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsanaan jiray  Maxkamadaha Islaamka, oo dhawaan laga dhigay Ciidamada Dowladda Midnimada qaran oo uu hogaamiyo Sh.  Shariif Sheikh Axmed ayaa saaka la wareegay ammaanka qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo mudooyinkii u dambeeyay ay ka taagnaayeen dhibaato xagga ammaanka ah.

Wararka  ka imaanaya deegaanka degmada  Kaaraan ayaa sheegaya in saaka xaalada Degmada ay wanaagsan tahay,  waayo horay waxay caan ku aheyd rabshadaha iyo fowdada, balse maanta laga dereemayey xasilooni yar , kadib markii ay galeen Ciidamo Maxkamadaha ah, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Hase yeeshee dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa saakay ku soo toosay iyadoo guud ahaan degmadaas ay joogaan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa maxakamadaha islaamiga isla markaana socod ku maraya xaafadaha kala duwan ee degmada.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay  sheegaya an in imaanshaha Ciidamada uu ku yimid is faham dhex maray maamulkii Degmadaas iyo Saraakiisha Hogaanka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka, waxaana la arkayay ciidamadaas iyo kuwa booliska oo hal meel isla jooga.

Dhanka kale Saldhiga Booliska Degmada kaaraan iyo Xaruntii Maamulka ayaa Ciidamada Maxkamadaha fariisin ka sameysteen, waxaana Ciidamadan ay ahaayeen kuwo feejigan, isla markaana sitay qoryaha fud fudud, iyagoona madaxa uga duuban camaamado nuuca ay caanka ku yihiin.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa horay waxay ula soo wareegeen Ammaanka Saldhigyo boolis oo ku yaala Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ammaanka si weyn ugu sugayeen, waxaana arrintan lagu tilmaamay mid wax ka tareysa soo celinta ammaanka xaafadaha Muqdisho

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: