Daawo Sawirada kale
Halkaan ka akhri
Bannaanbax aad u balaaran ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay qaybo ka mid ah magalaada Muqdisho gaar ahaan garoonka Ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho. halkaas oo dad badan ay ku ka soo qayb galeen.
Bannaanbaxan ayaa lagu taageerayay qodobo ay dhawaan ka soo saareen Muqdisho hay’ada Culimada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale iyagoo ku baaqayay Nabad iyo in la joojiyo dagaalada ka dhaca dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn fagaaraha Bannaanbaxa waxaa ka hadlay Culamaa’udiin aad u fara badan oo uu ugu horeeyay Sheikh Axmed daahir Aweys oo ka mid ah hay’ada Culimada, kaas oo sheegay in ay u mahad celinayaan Allaah (SW) kaas oo suuro galiyay in uu qabsoomo Bannaanbaxan.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadalay Odayaasha dhaqanka, Abwaanada iyo Golaha Samadoonka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo iyafu soo abaabulay kulanka Bannaanbaxan ee Maanta dhacay.
Guddoomiyaha Golaha Samodoonnada Soomaaliyeed Maxamed Tahliil Warsame oo la hadlay dadkii isugu soo baxay garoonka Ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho ayaa sheegay in Bannaanbaxan ay soo qaban qaabiyeen ay ku taageerayaan baaqii ay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed dhawaan ka soo saareen xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa darbiyada lagu dhajiayay Boorar ay ku qornaayeen in la joojiyo dagaalada iyo in Kitaabka la isku xukumo Shareecada Islaamka iyo boorar kale oo ka hadlayay Nabadda.
Ugu danbayntiina waxaa aad loo adkeeyay Amaanka goobta ee garoonka Ciyaaraha Istaadiyo Muqdisho, kalkaasoo lagu arkayay Ciidamo aad u badan oo amaanka sugayay si aysan u dhicin rabshado iyo waxyaabo la mid ah.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.