Xaflad Balaaran oo xilal isku wareejin ah oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

xil_wareejin1

Halkaan ka akhri

Xaflad Ballaaran ayaa Maanta waxaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir taasoo ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wasiiradii hore ee ku jiray xukuumaddii TFG-da iyo weliba wasiirada xukuumadda cusub oo uu hogaamiyo Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid.

Xafladdan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir, iyadoo uujeedadiisuna ay aheyd in ay xilalka isku wareejinayaan wasiiradii hore iyo wasiirada cusub uu dhowaan uu soo magacaabay Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid.

Xafladdan ayaa waxaa goob joogeyaal ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ay qaarkood ka tirsan yihiin maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee dhowan la isku daray.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub ee dowladda Midnimada Qaran ayaa qaarkood waxaa lagu wareejiyey qalab xafiiseed iyo weliba shaqaalihii ka howl gali jiray wasaaradaha xukuumaddii hore ee uu hogaaminayey Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).

Illaa iyo Sagaal wasaaradood ayaa lagu wareejiyay shaqadoodii wasiirada Cusub waxaana wasaaradahaasi ka mid ah wasaarada Cadaalada, Owqaafta iyo Arimaha diinta, wasaarada Shaqada iyo Hurmarinta shaqaalaha, wasaarada Gacanasiga, Boostada iyo Isgaarsiinta, Dastuurka iyo Arimaha Federalka, Xanaadada Xoolaha, Hurmarinta reer miyiga iyo Hantida iyo Qalabeynta.

Wasiirka Cadaalada ee dowlada cusub sheikh C/raxmaan Maxamuud Faarax Jiniqoow oo Maanta ka mid ahaan Wasiiradii lagu wareejiyay xilka ayaa kala wareegay Sheikh Cali Max’uud Cali Dheere oo ah Agaasimaha wasaarada Awqaafta iyo Arimaha diinta, ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxasan yahay la wareegida xilkani isla markaana waxa uu la wareegay ay tahay dukumiintiyo oo kaliya kasi oo ay ku qoran yihiin magacyada shaqaalihii wasaaradaasi.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/Risaaq Cusmaan Jurile oo isna ka mid ah masuuliyiintii la waregtay xilalka ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howlgala waxaana uu sheegay in ay qabteen shaqdii dowlada ay qaban leheyd.

Talaabadan ayaa waxaa ay ka dambeysay ka dib markii ay soo dhameys-tirmeen wasiirada xukuumadda cusub oo ay usoo guureen magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli kala cadeyn halka sida rasmiga ah ay u degi doonaan oo ay xafiisyada ka dhigan doonaan.

SomaliSwiss Muqdish

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: