Wasiirada Arrimaha Dibedda wadamada Khaliijka Carabta oo Shir uga furmay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga.

khaleej

Halkaan ka akhri

riyadh-tower-at-nightWaxaa shir ugu furmay magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga Golaha wasiirada Arrimaha dibedda ee wadamada Khaliijka, kaasoo  loogu hadlayey qodobo ay ka mid yihiin xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen dhinacyada iska soo horjeeda ee ka mid ah Culimada Soomaalida inay ku xaliyaan Khilaafaadkooda wadahadal.

 

Golaha wasiirada  wadamada ku bohoobay iskaashiga Khaliijka ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Riyaadh ee wadana Saudi Arabia waxaa ay ka soo saareen Qodobo dhowr ah oo ay kaga hadlayeen arimaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale Goluhu waxay sheegeen in marka hore ay ka walaacsan yihiin  sii socoshada xaalada nabadeed ee liidata ee jirta dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in dhankooda ay si weyn u soo dhaweynayaan isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Soomaaliya ee madaxaweynaha loogu doortay sheikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyihii Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Waxay sheegeen in ay si weyn u la dhacsan yihiin codka Kalsoonida ay siiyeen golaha Baarlamaanka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.

 

Golaha wasiirada  wadamada ku bohoobay iskaashiga wadamada Khaliijka waxay Soomaalidu ugu baaqeen in ay iska kaashadaan sidii loo soo afmeeri lahaa dhibaatada ragaadisan dadka Soomaaliya, sidoo kale waxay ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amaanka, isla markana dib dalka ay ugu soo celiyaan xasiloonidii iyo kala danbeeyntii.

SomaliSwiss Saudi Arebia

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: